Fahanka Isleegta Hadafyada iyo Caadooyinka
Haddii aad da'aha 17 illaa 40 tameeyada tahay, si uun ayaad u tahlaysaa hadaf, ujeeddo iyo in aad nolosha wax ka qabsato. Taasi waa ta fog, hase ahaatee, maalinta fogi markay soo dhowaato waxa ay noqotaa berri, markay tagtana shalay. Saddex sano ka hor maanta oo kale, maalin fog ayay ahayd, maanta se durtaba usbuucan socda ayay raacaysaa, kolkaasaa shalay, usbuucii hore iyo bishii hore la odhnayaa. Waa sunnaha nolosha in ay hore u socoto oo ayna dib eegin.
Mar hadii wakhtigu aanu istaagayn, shaqada iyo wax qabadka qofkuna waa in ayna istaagin, oo aanu qofku wakhti iman doona ku xidhin hawl uu qaban karo ee uu halkaa kala qabsadaa oo halkaa ka bilaabo dedaalka. Waxaan uga golleeyay, shantii bilood ee hore ee sannadku galbadeen, toddobaddii danbe ayaase hadhay, halkii aad ka odhan lahayd sannadkani wuu idaayay, ama ka dambe ayaan qabyadayda tiri, ka warran haddaad toddobadan bilood sannad oo dhanba ka dhigatid?
Haddii toddobadan bilood aad ka faa'idaysan karto, maxaad sannadka dhammaadkiisa ka sugi?
Haddii aad hiyi kacday, oo aad doonayso in aad wax qabsato inta gugan ka dhiman, ogow, waxa jira wax inna hoda oo ina hagardaamiya marka aynu hadaf dejisanno, sidoo kalana inaga hor istaaga gaadhistiisa iyo ka dhabayntiisa. Waa fahan la'aanta isleegta hadafyada iyo caadooyinka
Waxa la isla qirsan yahay in 1,000 tallaabo si aad u qaaddo ay khasab tahay in aad ta koobaad ka bilawdo, ama degdeg u goo kunkaa ama ilbidhiqsi ku jar, waa khasab in ay jirto meel aad ka bilawday oo kow la yidhaa. Sidaas si la mid ah, hadafka iyo yoolku waa tallaaboyin isku tagay oo maalinba mid la qaadayo, mar haddii ay sidaa tahay, oo hadafkii aan la gaadhi karin illaa tallaabooyin isku xigxiga la qaado, maxaa la gudboon qofka raba in uu toddobadan bilood ee soo socda xaqiijiyo yool, badh ka mid ah, mid dhammaystiran ama 10% ujeeddo fog oo uu leehaa?
Waxa lagaa rabaa hal shay oo kaliya, ujeeddada aad dejisatay dhaqan iyo caado maalin laha ah oo ku gaadhsiiya u samee. Inta la ogyahay, ma jiro hadaf aan lahayn dhaqammo yaryar oo lagu gaadho. Tusaale ahaan, jidh-dhiska, waxa laga bilaabaa cunto hagaajin, protein in la cuno, sonkorta iyo macmacaanka la yareeyo, la jimicsado, dhamaan dhaqannadaasi waa tallaabooyin yaryar oo qofka jidhkiisa dhisaa si maalinle ah u sameeyo, illaa ugu danbayn sida uu isbeddel yari ugu socdo uu marka danbe gaadho heer muuqaalkiisu dhammaan isbedelo. Taasi waxa ay ina tusinaysaa in idil ahaan hadafyadeennu sidaas jidh-dhiska oo kale ay leeyihiin talaabooyin yaryar oo si maalinle laha la inooga rabo in aynu qabanno oo ina gaadhsiinaya, inoona dammaanad qaadaya in aynu ka lib keenno yool kasta.
Caadooyinku waa kuwa noloshaada qaabeeya, oo falalkaa yaryar ee cuntdaada leh, ee akhriskaaga leh, ee hurdaada leh, ee aad sida joogtada ah u qaban jirtay halkan maanta aad joogto iyagaa ku keenay, dareen ama ha dareemin. Waa isbeddel kugu socday oo ay dhaqannadaa yaryari kugu keeneen. Noloshaada oo dhammina waa dhaqannadaa iyo caadooyinkaa yaryar.
Tusaale kale, dhaqanka ah in qofku aqoon yeesho waxa aasaas u ah akhriska. Si qofku akhriska oo ah waddo aqooneed u yeeshana waa in uu tallaabooyin maalinle ah oo dhaqanno akhriste ah qaado, ha yaraadaan ama ha badnaadan tallaabooyinkaasi, illaa uu marka dambe noqdo akhriste wanaagsan.
Waxa uu yidhi James Clear: “You do not rise to the level of your goals. You fall to the level of your systems.” -James Clear
Kuma gaadhid shaqada aad qabato iyo dedaalkaaga heerka hadafyadaadu yihiin ee waxaad ku soo dhacdaa ood ku sugnaaataa heerka caadooyinkaagu yihiin. Waxa uu uga jeedaa, haddaad doonayso isbeddel nololeed oo aad u weyn, xalku ma aha in aad hadafyo waaweyn dajisato adiga oon lahayn caadooyinkii ku gaadhsiin lahaa hadafkaa, haddii kale, marka ay xamaasaddu gudho ee ay dhammaato, sidaadii ayaad isaga soo noqon doontaa oo waa aad fashilmi doontaa.
Halkaas waxa aynu kala soo bixi karnaa, jidh-dhiska, dhaqaale samaynta, aqoonta iyo ujeeddo kaste oo nolosha laga leeyahay in ay u baahan tahay nidaam iyo dhaqammo joogto ah oo qofku sameeyo si uu u gaadho.
Haddaba, fikraddan sidee ayaad u dhaqan gelin kartaa?
Kow; hadaf kaste oo aad leedahay waa in uu leeyahay caadooyin iyo dhaqanno ku gaadhsiinaya oo aad si maalinle ah u samayso. Tusaale ahaan, luuqadda Ingiriida ayaa sannadkan kuu qorshaysan in aad ka soo dhalaasho, waa in aad samaysaa dhegaysi, akhris, qoraal, hadal, dhammaantoodna waa in ay noqdaan dhaqanno joogto ah oo aad si maalinle ah u samaysid oo aad in yar ka qabatid.
Laba; bilawga hore dhaqannada ha isku badin ee iska yaree, oo ujeeddada hal ama laba caado u samee, sida jidh-dhiska oo kale, cuntadaada ood wanaajiso iyo orod oo kale ku bilaw, kadib na dhaqannada iyo caadooyinka sii kordhi haddaad doontid.
Saddex; hadafyada badani qofka waa ay daaliyaan, awood iyo kayd fikirna waa ay ka cunaan, sidaa awgeed, hal ama laba hadaf ka dhig kuwa ugu muhiimsan ee aad toddobadan bilood qabanayso. Ogowna, shaqadaada, cibaada iwm, kuwaasi kuma jiraan hadafyadaada, waayo, iyagu waa waajib ku saaran.
Gabagabdii, hadaf aan caadooyin maalinle ah lahayn, ma sii jiro, mana xaqiiqoobo.