Dad badan ayaa ku dhaawacmay ka dib markii nin ku qeylinayay "Falastiin xor ah" oo uu ku tuuray Molotov cocktails kulan lagu taageerayay la haystayaasha Israa'iil ee Colorado, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Booliska ayaa sheegay in sideed qof oo da’doodu u dhaxeyso 52 ilaa 88 – ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay suuqa Pearl Street Mall, oo ah meel bannaanka ah oo caan ah oo ku taal Boulder, oo qiyaastii 30 mayl (48km) u jirta Denver.
FBI-da ayaa weerarkan ku tilmaantay mid looga shakisan yahay in uu yahay mid argagaxiso, waxaana ay sheegtay in tuhmanaha uu adeegsaday dabka ka sameysan cooshadaha, Molotov cocktails iyo aaladaha kale.
Muuqaalka weerarka ayaa muujinaya tuhmanaha oo aan shaadh la’aan, oo ku qeylinaya kooxda, isla markaana gacanta ku haya wax u eg Molotov cocktails markii la xirayay.
Weerarku waxa uu dhacay ka dib mudaaharaad toddobaadle ah oo la qorsheeyey oo ay dhigeen koox taageersan Israa’iil oo ku dhex lugaysa suuqa bannaanka ee dadka lugaynaya si ay u garab istaagaan la haystayaasha Israa’iil ee Gaza.
Bilayska waxa la soo wacay abbaare 13:26 wakhtiga maxaliga ah (19:26 GMT) Axadii oo ku saabsan nin hub sita iyo dad la gubayo, taliyaha bilayska Boulder Stephen Redfearn ayaa u sheegay shir jaraa'id.
Saraakiisha u gurmaday ayaa helay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan dad gubtay.
Mid ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa ahaa mid ka badbaaday Holocaust, sida uu sheegay Rabbi Israel Wilhelm, maamulaha Chabad ee Jaamacadda Colorado Boulder.
Weerarkan ayaa ah kii labaad oo si weyn loo hadal hayo oo ka dhaca gudaha Mareykanka labadii todobaad ee lasoo dhaafay kaasoo u muuqda inuu xiriir la leeyahay colaada Gaza.
goob-joogayaal ayaa u sheegay in tuhmanuhu uu adeegsaday "holac ka sameysan cooshado oo uu ku dhex tuuray dadkii badnaa," Mark Michalek, oo madax u ah xafiiska FBI-da ee Denver, ayaa yiri.
Eedeysanaha Magaciisa ayuu ku sheegay Mohamed Sabry Soliman oo 45 jir ah.
Mr Soliman ayaa u dhashay dalka Masar, sida ay saraakiisha dowladda u sheegeen CBS. Waxa uu ku yimid California 2022 fiisaha aan soo-galootiga ahayn kaas oo dhacay Febraayo 2023, ilo badan ayaa u sheegay baahinta, wuxuuna ku noolaa Colorado Springs.
Ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Stephen Miller ayaa sheegay in Mr Soliman la siiyay ogolaansho shaqo kadib markii uu ka dhacay fiisaha dal ku galka ee maamulkii hore ee Biden. BBC ma aysan xaqiijin tan.
Halkaan ka daawo: muqaalka https://bbc.com/news/articles/cev47ze8vp3o