Tabriib; Safar Silloon Haddana Sama Leh
Tahriib, kalmaddu dheeraa! Tahriib waa erey soogalooti ah xerudhalanna laga dhigay, oo Afka Carbeed ayuu ka soo boqoolay “تهريب” oo laga soo dhiraan dhiriyay “هرب" oo ah baxsad, firxad iyo waliba ka oradka, col, ciidan, caloolyow iyo wax kaste oo laga firxado, samaan iyo xumaan. Waa sidaa ereygu yahay oo tahriibku waa inagu dool, assalna uma aynu lahayn, sababta oo ah qofka Soomaaliga ahi uma uu baahnayn sabab uu dhulkiisa uga boqoolo oo dhul kale u tago, ha noqoto sababta nagaanshihiisu ogaal la’aan caalamka kale ee jira ka haysay, ama haleel uu haleelay oo haystay inta maankiisu u gaajoonayay.
$ads={2}
Ka ay doontaba ha noqotee, assalkaasi wuu doorsoomay, waxaana ogaalkii yaraa ee qofka Soomaaliga ahi adduunka kale ka haystay baabi’iyay isdhexgalka iyo tiknoolanalijayadda, oo aniga oo dhul miyi boodhka iyo basanbaasku jiifaan dhex fadhiya ayaan quruxda iyo saraha Niyuu Yoog daawan karaa, waanigaa hiyi kacay! Alla kugu wacnaayaan!
Qofku waa deegaankiisa. Dadkiisa ayaa ku ababiya inta ay arkaan ee ay yaqannaan, iyaga ayuuna garasha ahaan iyo hayb ahaanba ku abtirsadaa inta aanay cid kale duufsan, sax iyo qalad midka ay ku duufsataba. Haddaba, ilmaha yar ee 15 jirka ahi maanta gacantiisa waxa ku jirta aalad yar oo kolna uu la seexdo, kolna la sootooso, gidaarka la dhacdiido sariirtana la dul tago, intaas oo dhan weelka maskaxdiisa qaabayn iyo dhisiddi adduun arag gooni ah ayaa ku socda.
Wakaas arkay dhul dhisan, dhallaan geddiisa ah oo helay in-alliyo-inta-uu doonaayo, ee jacelyahay. Caruur ciyaaraysa. Jooga dhul qurxoon oon isho ka soo boodayn. Guryo ilqabad leh. Hudheello loo casha geynayo. Aabe iyo hooyo hadh iyo habeen u heellan. Waddooyin dhisan. Dhul wada doog ah. Kaymo jiq ah oo naftu ku raysanayso. Baaskiilado la kaxasanayo. Dhib la’aan. Dilmo la’aan. Gacan qaad aan lagula soo dhici karin. Ciyaaro kala wada duwan. Cabitaanno iyo cuntooyin caynba cayn ah. Dad wada nidaamsan, qoslaya oo wada dhalaalaya. Waxbarsho degan oo bilaa dhib ah. Macallimiin wada muunsood ifaya. Kooxo kubadeed oo garoonnadooda lagu soo daawanayo. Lacag jeebadaha loo buuxinayo. Intaas iyo in kale oo ka sii wacan ayuu hadh iyo habeen quutaa inankaas yar ee dhulka Soomaalida dhex yuurura. Wuxu arkaa laba da’diisa ah oo isjecel, isdhunkanaya oo laabta isku haya. Wuxu arkaa laba waan ku jecelahay iyo jaal ma ii noqon isleh. Wuxu arkaa wax badan oo naftu muhato, balse marka uu hareerihiisa eego, intaa wuu waayaa! Markaasuu tabaa! Illaayn waa aadame e!
Bilawga dhandhan uma sameeyaan muuqaalladaasi, waayo weli su’aalo kumay dhalan. Hase ahaatee marka maskaxdiisu maydhannto, ee isu arko qof u qalma noloshaas iyo tu ka qaalisanba ayuu aad u daneeyaa, oo ka fekeraa waxyaabahaas uu sida maalin laha ah u arko. Maxaan wax badan maqlay dhallaan leh “Waxaan doonayaa sida Ronaldo in aan Yurub ka ciyaaro.” Waxaan rabaa sidaa iyo sidaa! Rajadaasi marka hore waa xiise, hase ahaatee kolka ay balaayadu bilaabantaa waa marka uu ogaado ninka dhallinta ahi in aanu awoodin in uu halkaas tago, oo caqabado badani ka hortaagan yihiin.
Wuu koraa, oo da’ aha labaatanka madaxa la galaa. Waa markan kolka ay rajooyinkii waaqica u soo daadagaan. Waa markan, aminta uu xaqiiqsado in uu ka dhashay umad kadeedan oo reer miyi ah oon adduunka magac iyo maamuus midna ku lahayn. Waa markan, kolka uu dawladnimada tabo. Waa ayaantan iyo ammintan marka uu ogaado in waxbarshadu ahayd bakhaar nini furtay. Waa da’da loo laqimmo ashahadda qabiilka lagu qirayo. Waa xilligan marka ina ayada lagu cadaadiyo ee cad badan oo uu xooggiisa ku heli lahaa lagu duudsiiyo ina hebel ma tihid, ama reer Jilba Maroor kamaad dhalan. Kolkaas ayuu ilmahaasi qaybsamaa oo kala badhmaa.
Badh waxa la taga waayahay adag iyo ciqaabta aan kala joogsiga lahayn ee ayaamuhu ku hayaan. Waayo, dhallintan badankoodu ma shaqeeyaan? Jaamacado ayay ku jiraan ama maba galaan e, Dugsiga Sare ayay ku hakadaan. Way jeeb madhan yihiin. Dhaqaale gacanta uguma jiro. Haynnatooda ayaa yar. Sidoo kale, hoy wacan badidoodu kama soo toosaan. Aabahood iyo hooyadood waxay u badan yihiin waxmahaysato ama jeeb dhexaad. Qoyskooda uma tirsana, haddana way ku jiraan oo waa ilma hebel. Jiritaankiisa iyo qofnimadiisa badh waayahaas qadhaadh een sina la isaga kicin karin ayaa cuna oo qaata. Qaybta kalena, cagaarka, caynsamaanta iyo cir gaadhista taalla waddamada shisheeye iyo doonisteeda ayaa qaata.
Naf-qaybsan ayaa haleela ninkaas dhallin yarada ah. Wuu iswaayaa. Wuxu muquurtaa sawirrada foosha xun ee uu waayaha ka qaado, markaas ayuu madaxa foorariyaa, ama maqaaxi cammiraa, ama hurdo ka bixi waayaa! Alla xanuun badanaa! Mar kaleba waxa uu sawirtaa bilcanaanta maalmuhu yeelan doonaan haddii uu dhulalkaa samaantu taallo cagta dhigo. Wuu qoslaa, oo haddana naxaa! Oo yidhaahdaa “Illaahayoow! Waddankan si uun iiga saar, aan nimcada waddan hebel taal haleelee!”
Isaga oo isdiiddadaa ku dhex nool ayuu saaxiib, mid uu yaqaannay, amaba qoyskiisa mid ka mid ahi baxaa oo tagaa waddamadaa noloshu taallo! Mayee, nolosha laga abuurto! Wuu anfariiraa! Ka sheekeeyaa! Illaa kaas tagay uu noqdo warka ay maqaaxida ku qaadaa dhigaan maalmo intii ay isku xidhnaanyeen! “Alla nacallaa ku yaal wuu ka dhex booday!” “Wallaahi wuu ka hayaa!” “Hebel caawaba ma Jarmani ayuu joogaa! Ma Igalan buu dhex mushaaxayaa! Caawaba ma Paris ayuu cuntooyinkeeda kala doordoooranayaa! Nasiib buu lahaa! Mayee, xaafaddaa ka saartay! Markaas ayuu hadalka ku soo xidhaan kolba “Anigu aabe iyo hooyo iga saarana ma lihu! Nacdalbay noloshaydu noqotay!” Intaas iyo in la halmaasha ayuu ku celceliyaa oo qayrkii iyo asxaabta iska waraystaan! Warwar iyo walaac ayaa la soo dersa.
Haddii ay qoyskooda noloshu ku adagtay, wuxuu miciin bidaa balwad iyo nolol hoose! Dawlad daryeesha ma laha! Qabiil uu macne ugu fadhiyaa ma jiro! Qoys uu ku abtirsadana ma laha! Waa goblan inankaa yari! Haddiise uu xiniinyo iska baadho oo dhaqaale waddankan sillan uu kaga fooftago shaqaysto, oo tahriibo, wuxu u arkaa in uu xaqiiyay wixii ugu weynaa noloshiisa l, oo ah in uu isaga baxay meel cadaabta in yar ka sokaysa! Waana gar! Cid wanaag u gashay ma jirto. Dawlad dareesha muu helin. Qoys ahaanshihiisa iyo kifaaxiisa ku hawlan ma uu shuufin! Waa naftiisa iyo keligii! Wuxuu gaadhay guul wuuna liibaanay, maalinta uu cagta dhigo waddan aan ahayn kan cadaabta in yar ka sokeeyana nolol ayaa u bilaabantay.
Haddiise waayuhu ku ciiro, oo xaglihiisa iyo xoolihiisuba laabmaan, kaasi wuu ku daayay, koloyada qaadka iyo gidaarrada oo xashiishadda uu ku cabo ayuu kaga gabbadaa naarta waayahuhu ku soo afuufu! Wuu baaba’aa, sida ceeryaamada ayuu araggiisu khafiifaa, oo xanuunka iyo xumadda fiirinta waaqaca iska indha saabaa, oo noqdaa qof kale!
Adigu, wuu dhintaa!