Faallo Buug: FIILOFOOBIYA
Buuggan la magac baxay Filifoobiya ayaan ayaamahan xayaysiiskiisa kala socday baraha bulshada, waxaana akhriyay qoraallo gaagaban oo lagu ammaanayo. Buugga waxaa qoray Aadan-Sahan oo ka mid ah turjumaannada Soomaalida. Aadan buuggan iyo buu kale oo kan la soo baxay ayuu qoraalkooda isugu leeyahay, waana nin qoraa ah oo jecel in uu gashi badan ku darsado maktabadda Soomaaliyeed.
Buuggu waa sheeko jeceyl ku sal leh. Waa mawduuc kakan oo aan si waafi ah wax looga qorin. Qoraagu waxa uu sheekada ku kabayaa xigashooyin badan oo uu dooddiisa ku xoojinayo. Sheekadu waa mala'awaal. Waa sheeko wax ka taabanaysa dabeecadaha dadka qaar.
Waxa uu kaga sheekaynayaa noocyada jeceylka, fahanka dadka qaarna waxa uu ka dhigayaa qalad. Waxa uu sheegayaa in abwaannadu jeceylka majarahabaabiyeen. Dhaliishaa qoraagu waa looga qaateen oo waa run in abwaanku kolba xaaladda uu markaa ku jiro wax ku qiyaaso, dareenkiisuna sii ridnayn. Sheekadu waa sheeko isdultaagaysa habka ubadka loo koriyo. Waxa ay si qumman isku dultaagaysaa carruurta aan si habboon loo korin, daryeel la'aanta kala kulma waalidka, waxa ayna ka bidhaaminaysaa qodob muhiim ah. Waa sheeko sida uu qoraagu sheegay kasmanafeed ah. Wanaagyadaas bay sheekadu leedahay oo qofku fahan wacan kaga korodhsan karo mowduucaas.
Si guud sheekadu waxa ay wanaagyadeeda ka mid ah in aad u dhugmo yeellato habdhaqanka dadka. In aad qofka dhaqankiisa u eegto si ka duwan sida dadku eegayaan. Tusaale, qof digtaarooriya haddii aad aragto xukunka ha ku dedejin, ayuu qoraagu inna leeyahay, waxaa macquul in uu ku soo qoray nolol caqabad leh oo uu xaggaas ka keenay adadayga danbe. Halkan waxa uu buuxiyay halbeeg wanaagsan. Mar ayuu Ibraahin-Hawd yidhi, "Sheekada wanaagsani mar haddii ay akhristaha siiso fahan sarreeya oo uu u yeesho guud ahaan nolosha, gaar ahaanna dadka kale iyo nafsiyaddooda, fikirkooda iyo
dareenkooda, waxa ay gelisaa arxan (empathy) uu waxa ay dareemayaan ku la dareemo. Arxandarro iyo nacabnimo badan oo dadka ka dhexaysa waxaa keena iyada oo la awoodi waayo in dareenka la qaybsado oo xanuunka iyo farxadda qofka kale la la falgalo." Intaa sheekada akhrinaysid waxaa ku galaya arxan.
Dhowr meelood baa iska taagayaa dhaliisheeda aniga oo fahankayga iyo sida aan u arko doodda ku xoojinaya qoraaga Ibraahin Hawd wax uu ka yidhi sheekada. Haddaba, sheeko marka la qorayo waxaa ay u baahan tahay in aad akhristahaaga soo jillaabato, oo sheekada aad ku hayn karto si uuna uga xiisa dhicin sii wadideeda. Sadarada ereyadaad u xulatay si uuna uga jeedsan,
maalmo kalena ku soo celin karta in uu dib ugu soo laabto akhriskeeda. Ugu horeyn waa maxay sheekafanneed? Aan soo xiganno Ibraahin-Hawd, "Guud ahaanba hadalka iyo wax isugu gudbintiisu waa sarrayn aadamigu noolaha kale dhaamo, taas oo mar loogu danaysto hawl maalmeedda, mar kalena xog si habaysan loo diyaariyo oo isaga tallawda maalmaha, meelaha iyo facyada. Shakina ma leh hadalka qorani in uu ka dhihidda ah ka tayo sarreeyo. Qoraalka waxaa lagu diyaariyaa waqti lagaga baaraandego oo fikir habaysan la geliyo, isla markaa erayga iyo odhaahda habboon loo xusho. Sidaas oo kale ayuu akhriskuna maqalka uga waxtarsan yahay, waayo hadalka toos laguu odhanayo haleeli maysid in aad wada maqasho, wada fahanto oo wada xusuusato, qof odhanaya qudhiisuna sida ugu habboon ee ugu
dhammaystiran u ma sheegi karo. Se qoraalku intaaba wuu lee yahay oo inta aad doonto iyo sida aad doonto ayaad u dhuuxi kartaa, adiga oo u dhiganaya goorta iyo meesha kuugu habboon, sida aad doontana ugu noqnoqon kara. Sheeko faneeddu haddaba waa hadal intaaba ka sii horumarsan oo la geliyo fikir, farshaxan, erayo iyo weedho xulan oo dhadhan leh, laguna muujiyo nolosha iyo waayaha dadka oo leh xilli iyo meel." Sheekada Fiilofoobiya miyay buuxinaysaa shardiga odhanaya, in hadalka la odhanayo iyo ka qoran la kala duwo, iyaga oo aan marka hore isku mid ahayn ba? May, ma buuxinayso, sheekada waxaa aad mooddaa hadal dhuran ah iyo
boodhkasti lagu wada sheekaysnayo oo nuxurkii ka kaxeeyay sheeka ahaan ama qoraalkii sheekafanneeda lagu sheegi lahaa, hadal badan ayaa tif ka ah. Waa sheeko afar boqol oo bog ka kooban se laba boqol oo bog ama 150 bog noqon lahayd haddii hadalka badan ee iska socda mid kooban oo nuxur leh laga dhigi lahaa.
Sheekada oo la sheegay
in wakhti badan oo toban sano ku dhow la ga baaran degayay uma diyaarsana sheeko ahaan oo waa sheeko aad ka dareemayso degdeg iyo in aad looga taxadarin hab socodkeeda, haddii uu Hawd yidhi "sheeka fanneedda laba masalo oo waaweyn oo asaasi ah ayay tahay in wax badan laga yaqaan si ay sheekadu u buuxiso shuruudaha looga baahan yahay. Labadaa mid waxaa lagu maareeyaa qorista hadalka, waana astaamaha qoraalka lagu ka la habeeyo. Midda kalena waxaa lagu maamulaa farshaxannimada sheekada." Farshaxannimada uu Sahan buugga u adeegsaday innaga oo ka dabqaadaneyna hadalkiisa ah in toban sano la qoray, haddana sheekadu hodantinimo afeed kuma arag, afkaar shilis oo aad hadhow dib uga aydo kuma arag, waa sheeko qof farbarad ah qoray, wayna noqon kartaa raadbarad maadama ay tahay wixii ugu horreeyay ee aan turjumaad ahayn ee ah qoraal uu halabuuray. Sidaas awgeed farshaxankii dhadhanka u yeeli lahaa sheeko ma laha.
Asalka qoraalka ama halabuurka tiraabtu waxa quruxda u yeela waa in akhristaha loo daayo wax badan ama loo hanbeeyo wax ka mid ah afkaarta aad qoraysid si uu farriimo dahsoon iyo afkaar uu ugala soo baxo, Aadan midan wuu ku guuldaraystay. Waxa uu falay haddii uu hal dood dhiso waxa uu raacinayaa faahfaahin ugu yaraan laba bog ah, ugu badnaana laba xaashiyood ayay sharaxaaddaas soconayso. Waa hadhow ha igu soo noqon waxba kuuma hanbayne ama sida aan ugu lisnay oo buugiisa u iibsanay lacagna ugu hurnay isagu inooguma hanbayn. "Suugaantu guud ahaan iyo sheekadu gaar ahaan inta muuqato uun ma aha ee waxaa ku jira wax badan oo dahsoon. Haddii aad ku guulaysato akhristuhu sheekadaada in uu ka la soo baxo wax aadan toos ugu sheegin waa kuu guul. Sheekada oo dhan waad u qori kartaa si maldahan, laakiin maldahaa waa in ad si wacan u dhistaa si laguu la garto. Haddii kale keligaa baa isla sheekaystay." Ayuu Ibraahin-Hawd raaciyay. Waa dhab Aadan wuu isla sheekaystay baan odhan karaa.
Dhanka xulashada ereyda si gaar ah kuwa cilminafsiga buuga gudihiisa aad buu ugu kala eexday, markaa wax qoraysid waxa habboon in aad jid qudha ku ekaatid si aan fahanka u soo dhaweeyo haddii qoraalkaaga gudhiisa aad ereyo qalaad ku adaagsanaysid waa in wada turjunta ama sidooda u soo wada qaadataa, haddana dhan uun in aad isugu lugga duwato ayaa quruxda qoraalkaagu ku jirtaa. psychology, toxic, darka psychology, dhammaan intaas si soomaaliyaysan oo turjumaad ah ayuu xaqooda u siiyay haddana ciwaanka buuga oo philophobia ah, gudaha buuga narcissistic ah labadaa erey looma waayin turjumaad wax lagaga maarmo na lama keenin, tusaale narcissistic oo Guudcadde ismahadin u isticmaalay buugiisa Looma'ooyaan, gudihiisa sida uu sheegayna ay dood ka furan tahay ereybixintaas. Mar kalana ereygaas Xamda Xuseen ayaa boodkaastigeeda Kabasho u adeegsatay isxambaarsanaan. Labadaa erey oo dooddi ka furan tahay sida oo kalana ah ereybixinno jidbixiyeen ah, se qoraa Sahan waxa uu ka doorbiday in dhawaaqii Carabiga ay ku ahayd nerjesi isticmaalo. Qaladkaasna in laga maarmi karay baan qabaa.
Ugu danbayn, qoraagu buugga hab sheeko aha ayaa uu u qoray, haddana waxa uu dayacay qodobka sheekada u salka ah—in sheekada suugaan iyo fekerro waaweyn lagu qaado. Ama afkaarta uu innala wadaagayo qoraagu ay dhidibo adag ku taagan yihiin.
