4 Xeer oo Caado lagu Samaysto ama la iskaga Daayo!!💯

Somalinav
0

 4 Xeer oo Caado lagu Samaysto ama la iskaga Daayo



La qabsiga dhaqan ama caado cusubi waa guul hor leh oo qofka u dammaanad qaadaysa in uu ujeeddooyinkiisa ka dhabayn karo, ha noqoto: aqoon korodhsi, adduun korodhsi, caafimaad iyo wanaag intaba. Mar haddii ay caadooyinkii yihiin kuwa nolosheenna qaabaynaya ee inna horumariya ama ina dib dhiga, waa lama huraan in aynu dhisanno kuwo wanaagsan, halka kuwa aan wanaagsanaynna ay tahay in aynu iska jarno. 


Sidaa aad haddaba ula qabsato caado cusub,

waa in aad horta fahantaa qaab dhismeedka iyo sida loo alkumo caado, haddii aanad intaa fahmin, mar walba waa ay kala daadanaysaa, sida marar badan innagu dhacdana, waynu ku fashilannaa dhisidda caado cusub oow axtar inoo leb. Sidoo kale, haddii aad caado xun ama dhaqan aan fiicnayn  rabto in aad iska goyso, isna waa in aad barataa xeerarkii kaa kaalmayn lahaa in aad dhaqankaa goyso oo aad dayro ka noqoto. 


Innaga oo taa ka anba qaadayna, buugga uu qoray James Clear ee "Atomic Habits" Caadooyin Firi ah — yacnii yaryar—  waxa uu ku sheegay afar xeer oo caado lagu dhisto, ama lagu almumo, iyo isla afartaa afar ka soo horjeeda oo caado xun la iskaga daayo, oo lagu jaro. 


Bal aynu faahfaahinno oo sheegno waxa ay kala yihiin.


Marka aad caado cusub dhisanaysid, afartan xeer raac: 


1. Caadada mid Muuqata ka dhig

 "Make it obvious "


Caadooyinka aynu leenahay dhammaantood waa kuwo leh wax inna xusuusiyo innaga oon ka fekerin. Tusaale ahaan, marka aad Internet-ka furto, waxa aad gashaa baraha bulsha. Marka aad goobtaada shaqada timaaddo, kofee ayaad cabtaa. Dhammaantoodna si toos ah ayay kuugu dhacaan ama aad u samaysaa. Sidaa awgeed, waxa qalad ah caado cusub ood rabto in aad dhisto kaliya in aad niyadda iskaga qabsato. 


In aan akhriska caado ka dhigto ayaan rabaa oo kali ahi kuguma filna, waayo waa niyad qudha, balse waa in aad samaysaa "cue" wixii kuu tilaami lahaa ee kugu kicin lahaa dhaqanka akhriska, sida in aad shaashadda hore ee moobilka soo saarato halka buugtu kuugu jiraan, oo marka aad sidaa u furta moobilkaba aad aragtid adiga oon baadhbaadhin maktabaddii, kadib na aad gashid, ama aad sariirtaada buugga agdhigato iwm. 


Si haddaba caadada cusub ee aad dhisaysaa u noqoto mid muuqata, waa in  aad qaaddaa tallaabooyin kan: 


Isku dul dhiska caadooyinka "Habit stocking " 

oo ah, in aad caadada cusub ku xidhid mid hore oo aad lahayd. Tusaale ahaan, haddii aad rabto in aad bush ab samayso, ku xidh caadada ah markaad hurdada ka soo toosto in aad dhinacaa uun isku rogto, ama aad dhulka yara tagto ood halkaa ku samayso.


Sidoo kale caadada akhriska ayaad rabtaa, waxaad ku xidhi kartaa caadada shaah cabidda, oo marka aad shaaha dalbato ayaad buugga kala furi kartaa, hardcopy iyo digital ka uu yahayba. Caada cusub oon aanad tu hore ku xidhin ha samaysan, haddii kale waad ku fashilmi sida badan.


Beddel deegaanka si ay caadadu u noqoto mid muuqata. 

Haddii aad doonayso in aad socodka dhaqan ka dhigatid, waxa aad xidhan kartaa kabo buudh ah oo sports ah si aad meel walba uga dhacdo, sandalkiina waad iska dayn kartaa. Haddii aad doonayso in aad khudaarta badsato, tallaagada waxaad ku badin kartaa khudaarta beddelkii macmacaanka. Dhammaan waa deegaankii oo aad beddeshay. 


2. Ka dhig Caada mid soo Jiidasho leh 

" Make it attractive " 


Qaab dhismeedka caadooyinka marka la eego, tiirka labaad ee ay ku taagan tahay ama ka samaysan tahay caado waliba  waa doonista ama hamuunta "craving ", si haddaba aad ugu hamuunyooto ood u jeclaysato caadada cusub, waa inaad ka dhigtaa mid soojiidasho leh. 


Si aad caadada cusub uga dhigto mid soo jiidasho leh, qaad tallaabooyinkan:


Dhaqankan cusub ama caadada cusub ku dar oo raaci dhaqan ay naftaadu jeceshay.

Isticmaalka moobilka ayaad aad u jeceshahay, in aad aqoon korodhsatana waad rabtaa, isku ladh oo isgaba ka dhex baro. Waxaad jeceshahay sheekada, caadada socodkana waad rabataa in aad dhisto, raadi saaxiib aad jeceshahay ood isla lugaysaan. Caadada cusub ku ladh caado hore oo aad jeceshahay. 


Cid kale la qabo.

Badanaa dhaqannada iyo caadooyinka cusub ee aynu baranayno kaligeen ma doonayno ee intaas oo qof oo kale ayaynu heli karnaa, sida akhriska, oo naadi akhris ayaad ku biiri kartaa, sidaa awgeed caada cusubi si ay u noqoto mid soo jiidasho leh, dad kula qabta raadso. 


3. Ka Dhig Caadada cusub mid Fudud

 " Make it easy " 


Marar badan waxa inagu adkeeya isbeddelka iyo samaysashada caadooyinka cusubi waa in ay yihiin kuwo aad u adag oo kakan, sidaa ageed, inta aad awooddo ka dhig caadada mid fudud, ogowna "A habit must be established before it can be improved."


Caada bilawga waa in salka iyo xididdada loo aasaa oo lala qabsadaa intaan la horumarin een la naanshnaashin een la badinin.


Caadada akhriska itaanad 80 bog iyo 100 bog gaadhin, horta hal bog oo aad maalin walba akhrin karto yeelo, badni, iyo qurqurxini waa hadhow e, horta bal caadada sug, oo la qabso. Taasina waxa ay ku iman kartaa in ay kuu fududdahay. 


Si ay kuugu fududaatana waa in aad qaadda tallaabooyinkan:


Yaree Masaafada iyo Tallaabooyinka "Decrease friction" 


Tallaabada aad u qaadayso in aad biyo badan cabto, haddii ay tahay in aad soo kacdo, ood tallagada ama foostada dul tagto, ood haddana raadsato wixii aad ku cabbi lahayd, iyo haddii aad caagad yar oo sariirtaada dhineceeda tallaala haysato, ma isku tallaabooyinbaa? Waa maya, waayo tan danbe ayaa fudud.  Sidaa awgeed, caadada cusub tallaabooyinka aad u qaadaysid kow iyo laba ka dhig.  


Isticmaal xeerka labda daqiiqo


Waxa uu qoraagu kugula talainayaa marka aad caado cusub bilaabayso in aad laba daqiiqo uun ku koobto, oo aanad ka badin, si aad ula qabsato. 


4. Ka Dhig mid ku Raalligalisa "Make it Satisfying " 


Xeerkani isna waxa uu leeyahay, si aad caado cusub ula qabsatid, waa in ay jirtaa faa'ido iyo dheef aad dareemi karto ood ka helaysid, taasi oo naftaadu raalli ku noqon karto. Dheeftaasi mid garaadeed ama mid la taaban karo ka ay doontaba ha noqoto e, waa in ay jirtaa. 


Si aad uga dhig caadada cusub mid ku raalligalisana, qaad tallaabooyinkan:


Naftaada abaalmarin sii. 

Assalka caadadu haddii ayna lahayn wax abaalmarin ah, adigu si uun naftaada ugu samee abaalmarin, oo tusaale ahaan, haddii aad akhrido ood idlayso 500 oo  buug, naftaada tablet ay wax ku akhristo waad u gadi kartaa si ay u sii waddo akhriska, ama waxa aad samayn kartaa in aad qoraallo dadku ka faa'idaan ka samaysid buugtaad akhriday. Adigu, naftaada abaal marin nooca ay doonto ha noqoto e, sii.


Qiimee oo eeg in aad fulisay caadada cusub.

Taas lafteedu iyana waa mid kugu dhiirrigalin doonta oo naftaada raalligalin doonta, keenina doonta in aad caadada sii waddo marka aad sax saarto, eed ogaago in aad samaysay.


Ugu dambayn, kuwaasi waxa ay ahaayeen afar xeer oo caadooyinka cusub lagu kasbado, afafrtaa afartoodii oo caaddoyinka xunxun la iskaga daayo iyana aaxa aynu ka dhigi qormo kale oo soo socota.


Baraarujin: qoraalkani waxa uu u baahan yahay in aad qodob qodob u dul istaagto, oo aad mid mid u falkiso, kadib na u dhaqan geliso.


W/Q : Wahiib Cali


Tags

Post a Comment

0 Comments
Post a Comment (0)

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

Our website uses cookies to enhance your experience. Check Out
Ok, Go it!
To Top