Wax Ka Baro HeerKa Hodontinimada

Somalinav
0


 [-Qormadaaan- ] waxaad kaga bogan doontaan aragti cilmiyeed iyo diin ku dhisan oo ka hadlaysa xaqiiqada ka dambaysa horumarka, hodantinimada, iyo sidii uu qofka muslimka ahi u gaadhi lahaa nolol sharaf leh oo dhammaystiran. Ma jiro wax aduunyada ka dhaca oo aan xeer Alle u yaallin. Hantidu ma timaaddo si kedis ah, aqoontu ma imanayso si sahal ah, nolosha tayadeedu ma korodho iyadoo la hurdo. Waxaa jira xeerar uu Rabbi dhigay oo u dhexeeya guusha iyo dadaalka, u dhexeeya saboolnimada iyo hurdo, u dhexeeya jahligana iyo cilmiga.


Qoraalkani waxa uu isku dayayaa in uu iftiimiyo xeerarkaasi, gaar ahaan xeerarka hodantinimada – sida loo helo, loo ilaashado, iyo doorka ay ka ciyaarto niyad-samidu, sababka, iyo dadaalka. Waa wacyigelin muhiim u ah qof walba oo doonaya inuu noloshiisa wax ka beddelo, oo rabba inuu si xaqiiqo ah u fahmo doorka uu Ilaahay siiyay iyo sida uu ugu faa’iidaysan karo.


---


Xeerka Hodantinimada


Kownka abuurka Ilaahay kuma socdo si iskadaris ah, oo wax waliba iskood uma dhacaan bilaa sabab. Cumar iskama helayo carruur ilaa uu xeerkeeda maro. Cali iskama dhisan karo guri weyn ilaa uu xeerkiisa maro. Sahal iskama heli karo aqoon tayo leh ilaa uu xeerkeeda maro. Aduunyada wax kasta oo ka dhacaya waxay ku dhacaan xeer iyo jaangooyo rabaaniya ah oo Alle u dejiyay.


قوله تعالى:

"وَخَلَقَ كُلَّ شَيْءٍ فَقَدَّرَهُ تَقْدِيرًا" – الفرقان: 2

"إِنَّا كُلَّ شَيْءٍ خَلَقْنَاهُ بِقَدَرٍ" – القمر: 49


Aduunkan xeer ayuu Ilaahay dhigay, waxaana taas ka mid ah dhamaystirnaanta cadaaladda Alle. Waayo, xeerarkaas ma yaqaanaan farqi iyo kala duwanaansho; uma kala eexdaan rag iyo dumar, caruur iyo cirroole, caddaan iyo madaw, carab iyo cajam, gaal iyo muslim toona. Qof kasta oo la yimaadda sababaha guusha, guushu wuu helayaa, xataa haddii uu yahay gaal. Qof kasta oo la yimaadda dulmi iyo xaq-darro, wuu dumi, xataa haddii uu yahay muslim.


Qof kasta oo la yimaadda sabab uu wax ku barto, wuu baranayaa, cidduu doono ha noqdee. Qof kasta oo la yimaadda sabab uu maal ku samaysto, wuu samaysanayaa. Sidaa darteed, xeerarku saaxiibtinimo iyo eex ma yaqaaniin. Tusaale ahaan, qofka yaqaan xeerka shaaha lagu sameeyo, haddii aad ka barato, oo aad isku daydo, shaahu wuu kuu samaysmayaa. Shaahu kuma odhanayo: "Aniga hebel baan u samaysmaa," ee wuxuu kuu samaysmayaa adigana haddii aad xeerka raacdo.


Maalku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha xeer gaar ah leh. Haddii aanad marin xeerkiisa, ma samayn kartid. Haddii aad marto xeerkiisa, waad samaynaysaa, goor ay ahaataba.


Xeerka Koowaad: Hantidu Waa Halgan


Hanti kasta oo uu qof dunidan ku hayo waxa asal u ahaa halgan, noocuu doono ha ahaado. Milgaha iyo sharafta qofka waxa uu leeyahay xaq uu ku helo nolol dhammaystiran: guri, laydh, biyo, qoys, iyo waxbarasho caruurtu helaan. Taasi waa xaq aasaasi ah oo Ilaahay ku siiyay. Cadaaladda Alle waxay dhigaysaa in aanuu xaqaas cidna kaaga xirin, ee ay ku xirantahay sida aad ugu kacdo, u barato, ugana baadi doonto.


قوله تعالى:

"وَالْأَرْضَ وَضَعَهَا لِلْأَنَامِ" – الرحمن: 10

(Dhulka wuxuu u dhigay dadka si ay ugu noolaadaan.)


Noloshu waxay ku dhisan tahay helitaanka tiirarkeeda: cunno, cabbid, deegaan, iyo wehel. Intaba waad u qalantaa. Haddii aad aaminto in aad tahay mid aan hodantinimada la dhalan oo cidina aanay dan kaa lahayn, waa fikir khaldan. Bulshada ayaa sabab u ah, laakiinse waa waajib in aad naftaada ka xorayso fikirkaas.


قوله تعالى:

"هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِنْ رِزْقِهِ" – الملك: 15


(Dhulka waxa uu idiin dhigay mid sahlan, ku socdaala hareerihiisa, cunana rizqiga Alle.)


Qof kasta oo ilaahay abuuray wuxuu leeyahay awood uu ku doonto arsaaqdiisa. Waa inaad kacdaa oo aad ka guurtaa marmarsiiyo iyo wahsi, adigoo si karaamo leh u raadsanaya rizqigaaga.


قوله تعالى:

"هُوَ الَّذِي خَلَقَ لَكُم مَّا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا" – البقرة: 29


Wax kasta oo dhulka ku jira waxaa loo abuuray dantaada. Xoolaha, macdanta, tamarta – waxaas oo dhan waxa inaga xiga waa barasho, dadaal, iyo go'aan qaadasho.


Tusaale La Yaab Leh: Malaha Lagutuma Qaddarin?


Nin ayaa dhagaysanayay cashar ku saabsan sidii loo noqon karo milyaneer. Wuxuu waydiiyay: "Adigu miyaad gadanaysaa qaddarka lay kuu qoray?" Waxaan ku idhi: dad badan waxay eegaan xaaladdooda maanta, waxayna moodaan inay tahay qaddarkii Alle. Balse ma fahmayaan in waxa maanta haysta ay tahay natiijo wixii ay hore u ahaayeen.


Tusaale: Haddii uu dhakhtar buuggan akhriyo, dhakhtarnimadiisa waxa sabab u ah wixii uu soo bartay. Qaddarka Alle wuxuu la xiriiraa sababta aad qaadato. Haddii uu qofku maanta barto technology, berrina wuxuu noqon karaa khabiir ku saabsan.


Yaa Kugu Ballamay Faqriga?

Yaa kugu ballamay jahliga?

Shaydaanku waa midka ku dhagta ka saaray in aad ahaanayso sidii aad hadda tahay weligaa.


قوله تعالى:

"الشَّيْطَانُ يَعِدُكُمُ الْفَقْرَ وَيَأْمُرُكُم بِالْفَحْشَاءِ" – البقرة: 268


(Shaydaanku wuxuu idiin yaboohayaa saboolnimo iyo xumaan, Ilaahna wuxuu idiin yaboohayaa dambi-dhaaf iyo fadligiisa.)


Qaddarkaagu waa waxa aad ku kasbato sababaha Ilaahay kuu banneeyay. U orod caafimaad – Ilaahay baa og inta laguu qoray. U orod cilmi, akhlaaq iyo maal – natiijada Ilaahay kuu qoray ayaa kuu iman doonta haddii aad sababta qaadato.


Qisadii Cumar Ibnul Khaddaab (RC)

Cumar (RC) markii uu doonayay inuu tago Shaam, isagoo jidka ku jira, ayaa lagu wargeliyay in daacuunku ka dillaacay. Wuxuu la tashaday saxaabada. Qaarkood waxay yiraahdeen: "Waa qaddar Ilaah." Kuwo kalena waxay ku taliyeen in la noqdo, si loo badbaadiyo dadka.


Cumar wuxuu yidhi: “Haa, qaddarka Ilaahay ayaan ka cararayaa, qaddarka Ilaahayna ayaan u cararayaa.” Wuxuu tusaale u soo qaatay: "Haddii aad leedahay geel, oo aad hesho doox laba ah – mid barwaaqo ah iyo mid abaar ah – haddii aad xoolaha u kaxayso barwaaqada, miyaanay ahayn qaddarka Ilaah?" (Bukhaari, xadiiska 5721)


#Gabogabo

Jahliga ka carar oo cilmiga u carar – labaduba waa qaddar Ilaahay.

Faqriga ka carar oo hodantinimada u carar – labaduba waa qaddar Ilaahay.

Qaddarka aad sababtiisa qaadato uun baa kuu hirgeli kara.


---


La soco qaybta xigta: Xeerka Labaad – "دلوني على السوق" (Suuqa i tus)      

                                                     ✍️Dr. Maxaad Abdi ( Maxamad Maxmad Cawaale )

📝🖊Qalinkeyga waxaad ka filan kartaa hadal togan, dhiirrigelin, iyo iftiin. Waxaan taageerayaa kartida Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.

                     #Sii sheergareey

Tags

Post a Comment

0 Comments
Post a Comment (0)

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

Our website uses cookies to enhance your experience. Check Out
Ok, Go it!
To Top