![]() |
📢 DIGNIIN KU SOCOTA DADKA SOOMAALIYEED
🛑 10-KA NIDAAM EE UGU KHATARDA BADAN EE LAGU DHACO LACAGTAADA
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
Fadlan akhri si taxadar leh oo la wadaag dad kale si ay uga badbaadaan khiyaanooyinka cusub.
Waxaa aad u soo batay qaabab casri ah oo dad lagu dhaco iyagoo lagu qaldaya fursado “lacag helis fudud” ah. Dad badan oo Soomaali ah – gaar ahaan dhalinyaro – ayaa hantidooda ku waayay nidaamyo qurux badan u muuqda, balse dhab ahaantii ah khiyaanooyin si xariifnimo leh loo farsameeyay. Waa kuwan tobanka nidaam ee ugu khatarsan ee lacagaha lagu dhaco:
1️⃣ 💱 Forex Trading Been Abuur ah!!
Waxaa laguugu sheekaynayaa inaad lacag degdeg ah ku kasban karto adigoo galaya suuqa Forex. Waxaa lagu leeyahay: “Ku bixi $100, waxaad heleysaa $1000.” Xaqiiqdu waxay tahay: Forex wuxuu u baahan yahay aqoon sare, dulqaad iyo tababar. Inta badan, kuwa aad lacagta u dirto waa khiyaano-yaal.
2️⃣ 🪙 Cryptocurrency Scams!!
Waxaa lagu qancinayaa inaad maalgeliso coin cusub ama “crypto project” la sheegayo inuu noqonayo mid weyn. Waxaa lagu leeyahay: “Hadda geli lacag yar, berri millionaire ayaad noqonaysaa!” Waxa dhacda: lacagtaada lama arko, project-kii waa la waayaa.
3️⃣ 🎰 Khamaar Online ah (1xBet, Betway, iwm)
Waxaa lagu layaabiyaa xayeysiisyo muuqaal qurux badan leh, guulo been abuur ah, iyo “fursado lacag lagu kasbado.” Laakiin nidaamkaas waxaa loogu talagalay in lagaa khasaaro – waana khatar caafimaad, dhaqaale iyo akhlaaqeed.
4️⃣ 🧱 Ponzi & Pyramid Schemes
Waxaa lagu leeyahay: “Haddii aad keento 3 ama 5 qof oo lacag dhigta, adigu waxaad helaysaa faa’iido.” Laakiin waa nidaam aan waqti dheer socon karin, waxaana khasaaro ku dhammaada inta badan dadka danbe.
5️⃣ 🌐 Fake Investment Websites
Websaydyo muuqaal qurux badan leh ayaa sheegta inay yihiin shirkado maalgashi caalami ah. Waxaa lagu leeyahay: “Ku shubo lacag yar si aad uga faa’iidaysato boqolkiiba 20-40 bil kasta.” Markaad lacag dhigato – website-ka lama arko, dadna kuma soo celinayaan.
6️⃣ 📄 Shaqooyin Been Abuur ah (Fake Job Offers)
Waxaa lagugu qancinaa in shaqo kuu diyaar tahay gudaha ama dibedda, balse marka hore waa in aad bixisaa “registration” ama “document processing fee.” Kadib markaad lacagta dirto – qofkii iyo fursaddii lama arko.
7️⃣ 📱 App-yada lacag lagu kasbado (Fake Mobile Apps)
Waxaa la sameeyaa app cusub oo lagu leeyahay: “Xayeysiis daawo, ciyaar samee, lacag ku hel.” Laakiin si aad u bilowdo, waa in aad lacag yar dhigato. Kadib – app-ka wuu xirmayaa ama lacag lama helayo.
8️⃣ 💰 Quick Loan Scams (Amaah Been ah)
Waxaa lagu leeyahay “waxaan bixinaa amaah degdeg ah oo ribo la’aan ah.” Balse kahor, waxaa lagaa codsadaa “lacag yar oo processing ah.” Marka lagaa helo, telefoonkii iyo emailkii waa la xiraa.
9️⃣ 🎓 Deeq Waxbarasho & Tababaro Been Ah! Waxaa lagu xayeysiinayaa deeq waxbarasho ama tababar la sheegay in uu caalami yahay. Waxaa lagu leeyahay: “lacag yar iska bixi si laguu xaqiijiyo.” Intaa kadibna lama arko wax fursad ah – waa khiyaano.
🔟 🛍️ Online Shopping Scams (Ganacsi Been Ah)
Waxaa la arkaa pages Facebook ah ama websites sheeganaya inay alaab iibinayaan qiimo jaban. Marka lacagta la diro – alaab lama keeno, waana lagaa xanibaa.
🛡️ MAXAA LA GUDBOON MUWAADINKA SOOMAALIYEED?
✅ Ha ku degdegin wax lagu leeyahay “lacag fudud ayaad ku heli doontaa.”
✅ Ha ku aaminin qof aan sharci cad iyo sumcad lahayn.
✅ Baar website kasta, shirkad kasta ama qof kasta oo lacag kaa rabo.
✅ La tasho qof aqoon u leh kahor intaadan bixin lacag.
✅ Maskax u adeegso – waxa ay aad u qurux badan yihiin inay run noqdaan, badanaa run ma aha.
🧠 Xusuusin Dahabi ah☝🏿
“Khiyaanooyinka casriga ah maaha kuwo xoog lagu qaato – waa kuwo la iskugu qanciyo si caqli ahaan aad adigu isugu dhacdo.”
📌 Fadlan la wadaag qoraalkan si aad uga badbaadiso dadka kale – gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed – khatarta aan la dareemeyn ee laga lumo lacag iyo kalsooni dadkeena.
QORMAADAAN WAXAA QORAY : W/Q Eng Ahmed Abdi Hashi