![]() |
Mogadishu ayaa laga furay Suuqa Saamiyada |
Waa suuq rasmi ah oo lagu kala iibsado saamiyada ( stocks ) iyo qalabyo kale oo maaliyadeed. Wuxuu fursad siinayaa shirkadaha iney helaan maalgelin, halka maalgashadayaashuna ay ka helaan fursado faa’iido ay ku sameyn karaan.
✅ Waxa uu qabto suuqan.
Shirkadaha: waxay helaan lacag iyagoo dadka ka iibinaya saamiyo.
Maalgashadayaasha: waxay iibsadaan saamiyo si ay u helaan faa’iido hadii shirkadu si wanaagsan u shaqeeyso oo ay faa'ido sameeyso.
Hufnaan: xogta shirkadaha si cad ayaa loogu faafiyaa suuqan oo wax qarsan malahan.
👨🏽🔬 Faa’iidada uu u leeyahay dadka hal-abuurka leh:
1. Maalgelin fudud: suuqan dhexdiisa waxaad shirkaddaada u soo bandhigi kartaa dadweynaha iyo maalgashadayaasha si ay kaaga iibsadaan saamiyo.
2. Sumcad & kalsooni: Shirkad suuqan saaran waxay kasbataa kalsooni iyo xiriir ganacsi.
3. Qiimeyn suuqeed dhab ah: Waxaad ogaan kartaa shirkaddaada qiimaha ay ku leedahay suuqa taasoo kaa caawin karta kobaca shirkada.
🧪 Tusaale:
Waxaad tahay hal-abuure leh shirkad diiwaan gashan oo rasmi misna sameeyey App caafimaad oo qiimihiisu yahay $100,000 suuqan hadii aad ku jirto waxaad saamiyo 10,000 share oo ($10 midkiiba yahay) ka iibin kartaa dadka iyo maalgashadayaasha halkii aad qof kali ah ka sugi lahaa maalgelin.
🔚 Ugu dambeyn:
National Securities Exchange waa albaab dahabi ah oo u furan hal-abuurayaasha aan haysan lacag, si ay u helaan maalgelin, sumcad, iyo koboc dhaqaale.
F.G: waxaan qormadan ku keenay markii aan maqlay, suuq sidan oo kale ah oo markii ugu horeysay laga daah-furay Somalia gaar ahaan Mogadishu.
Xigasho: Abdifitah Dahiye