Buugga qummane: qoraagu, waxa uu ku xusayaa in ay jiraan jaadad/qaybo badan oo ay nafta bini aadamku ka samaysantahay.

Somalinav
0


 Cilmu-nafsigu waxa uu ka hadlay shakhsiyado kala duwan oo ka dhasha kala tagnaanta isku dheellitirka seddaxdab qaybood ee nafta: "Huu, Anaa iyo Anaa Culyaa."

Buugga qummane: qoraagu, waxa uu ku xusayaa in ay jiraan jaadad/qaybo badan oo ay nafta bini aadamku ka samaysantahay.  Qoraagu waxa uu leeyahay: "waxaa jira 14jaad oo ay u qaybsanto nafta dadku, mid kastana waxa ay leedahay hab u gaar ah oo loola dhaqmo."

Bal aynnu hoos ku sheegno waxa ay kala yihiin.
1. Shakhsiyadda gooni socodka.
2. Shakhsiyadda shakisan.
3. Shakhsiyadda isla qumman.
4. Shakhsiyadda diiqadaysan. Shakhsiyadaan ma qabato wax howl ah waayo waxa ay la dhibantahay cabsi iyo ciriiri aan dhammaad lahayn.
5. Shakhsiyadda aan isku filnayn.
6. Shakhsiyadda gaardaaqa. Shakhsiyaddani majecla in ay dhexgasho dadka waayo: waxa ay ka baqaysaa in la dhaliilo ama wax yun laga sheego.
7. Shakhsiyadda in la dhaliilo jacayl. Shakhsiyaddani waxa ay macaansataa dhaliisha filkeed kaga imaanaysa.
8. Shakhsiyadda wax dhaliisha.
9. Shakhsiyadda riyo ku noosha ah.
10. Shakhsiyadda is tuska ah.
11. Shakhsiyadda keena diidka ah. Shakhsiyaddani in badan dambiyo ayay gacanta kula jirtaa. Sido kalana uma hoggaansanto sharciyada iyo xeerarka.
12. Shakhsiyadda isla waynida.
13. Shakhsiyada walaaca badan.
14. Shakhsiyadda laba wajiilaha ah.

Intaani waa soo koobista shakhsiyaadka innga oo ka dhimbiil qaadanayna heerka uu gaadhay Cilmu-Nafsigu. Sidoo kale maanka ku haay qof kasta waxa uu ka kooban yahay ugu yaraan laba shakhsiyadood oo isku sidkan, kaalinta cilmu-nafsigu waa fahmidda shakhsiyadda iyo barashada habka ugu sahlan ee loola dhaqmo.

In qofku ka kooban yahay ugu yaraan laba shakhsiyadood aynu tusaale u keeno:
Waxa aynu ku koobsanaynaa halkan tusaale. Marka aynu fur furno shakhsiyadda Fircoon, waxa aynu arkaynaa in ay ka kooban tahay laba shakhsiyadood oo kala ah: shakhsiyad dambiile ah iyo shakhsiyad isla wayni. Shakhsiyadda dambiilaha oo aynu ka arkayno marka uu Alle ka warramay wixii uu ku sameeyay dhallaankii labka ahaa ee reer Banii Israa'iil. Rabbi waxa uu yiri:
وَإِذْ نَجَّيْنَٰكُم مِّنْ ءَالِ فِرْعَوْنَ يَسُومُونَكُمْ سُوٓءَ ٱلْعَذَابِ يُذَبِّحُونَ أَبْنَآءَكُمْ وَيَسْتَحْيُونَ نِسَآءَكُمْ ۚ
"Xus ammintii aannu idinka badbaadinnay Fircoon iyo ehelkiisii oo idin taabsiiyay cadaab xun, wiilashiina ayay gowracayeen, hablihinna waa ay daynayeen."

Sida caadiga ah, dhallaanka uma gacan qaado qof hagaagsani, balse waxa xumaan u quura qof bini-aadantinimada ka arradan oo ku astaysan heerka ugu sarreeya dambiilanimada.
Shakhsiyadda kale ee Fircoon waa isla wayni, arrinkana waxa aynu ka arkaynaa hadalka Eebbe ee ku jira suuraddda Al-Naasicaat:
( فَحَشَرَ فنادى . فَقَالَ أَنَاْ رَبُّكُمُ الأعلى ).
"Dadkii ayuu soo uruuriyay, kedibna waa uu u dhawaaqay isaga oo ku leh: waxaan ahay Rabbigiinna ugu sarraynta badan."

Gunnaanadka qormaan aynu ku gunaanadaynaa waxa ay noqonaysaa: adigu immisa shakhsiyadood ayaad ka kooban tahay, adigu ku dabaqaaya kuwa kor aynu ku soo xusnay.

Buugga Qummane.
Turjume; Cabdihakiin Obsiiye.
Bogga: 181 ilaa 184.

@dr_najiib
Tags

Post a Comment

0 Comments
Post a Comment (0)

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

Websedkeena waxuu isticmaalss cookies si ay u wanaajiso khibradaada. Bal eeg
Ok, Go it!
To Top