Charles Dickens ayaa ku qoray buuggiisa (Filasho Weyn)

Somalinav
0


haddii aad ku guuldarraysato ku dhaqanka xeerkan waxaad fishaaba waa guuldarro.  Inkasta oo guuldarrada laftirkeeda wadato dheefteeda, haddana waa lama huraan in aad cashar ka barato ilduufyadaadii hore, maxaayeelay iskuddayga labaad lagama yaabo in aad dib usooceliso isla gafkii hore. Waxaad heli doontaa waddo ka duwan tii hore. Waa halka murtidu inaga farayso: “Dabkii lagu xanuunsado faruhu kuma dirnaadaan.” Waxaa kale oo jirta hawraar dhahaysa: “Guuldarraa guul dhalisa.” 


Ujeedku ma aha in aan kugu dhiirriggeliyo in aad raadiso guuldarro, balse waxay iga tahay in aan kugu baraarujiyo in guuldarrada laftirkeeda ay kuu tahay cashar. Charles Dickens ayaa ku qoray buuggiisa (Filasho Weyn) sheeko ku saabsan nin xabsi ku jiray sannado badan. Markii uu dhammaystay xabsiga, wuxuu ka soo baxay qolkii yaraa ee mugdiga badnaa. Balse markii uu bannaanka u soo baxay ayuu eegay hareeraha iyo iftiinka qorraxda oo ay mar hore ugu dambaysay. Ma jeclaysan, durbadiiba wuxuu codsaday in dib loogu celiyo xabsiga, wuxuu yiri “Mugdigaas iyo qolkaas yar ayaa iiga raaxo badan bannaanka aad ii soo saartayn.” 


Haddaba, sheekadu waxay inoo tilmaamaysa in dadka qaar aysan jeclayn isbeddelka walow dheefba ha ugu jirte. 

Iga hoo tusaale ku saabsan xiriirka ka dhexeeya maaminta wanaagsan iyo nolosha. Ka warran haddii xarfahaan: ABCDEFGHIJKLMNOPQRSTUVWXYZ ay la’eg yihiin 2345678910111213141516171819202122232425 26 Raadi kelmed walba oo aad isleedahay wuxuu nolosha ku yeelan karaa saamayn dhan boqolkiiba boqol. Tusaale,

Koowaad: kelmedda shaqo adag (Hardwork). H+A+R+D+W+O+R+K
= 8+1+18+4+23+15+18+11= 98%

Labaad: kelmedda aqoon (Knowledge).  K+N+O+W+L+E+D+G+E
= 11+14+15+23+12+5+4+7+5= 96%

Saddexaad: kelmedda ayaan ama calaf (Lucky). L+U+C+K+Y
= 12+21+3+11= 47%

Afaraad: kelmedda lacag (Money). M+O+N+E+Y
= 13+15+14+5+25= 72%


Shanaad: kelmedda maamin/mawqif (Attitude). A+T+T+I+T+U+D+E
= 1+20+20+9+20+21+4+5= 100%


Maaminta wanaagsan iyo mawqifka samasheega ah wuxuu saamayn dhan boqolkiiba boqol ku  yeelan karaa nolosha, taas waxay ku tusinaysaa muhiimmadda ay leedahay in aad mar walba lahaato hab maamineed samasheeg ah.  Si kastaba, nolosha waxaad halbeeg uga dhigtaa xeerkan, haddii aad sidaas fasho waxaad ogaanaysaa in noloshu ay u qaybsan tahay laba:


1. Mawqifka aad istaagto xilliga aad ku dhex jirto barwaaqada nolosha
2. Mawqifka aad qaadato xilliga aad wajahayso dhibka nolosha



Qore:
@dr_najiib
Tags

Post a Comment

0 Comments
Post a Comment (0)

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

Websedkeena waxuu isticmaalss cookies si ay u wanaajiso khibradaada. Bal eeg
Ok, Go it!
To Top