šŠš”š®šš«šššššš”šš šŒš¢rššš”šš š€š” š„šž š†š®š›ššš²šš š—ššš²šš”šš š‚ššš„šØšØš¬š”šš

Somalinav
0


 šŠš”š®šš«šššššš”šš šŒš¢rššš”šš š€š” š„šž š†š®š›ššš²šš š—ššš²šš”šš š‚ššš„šØšØš¬š”šš


Jimciyadda Nafaqada ee Dalka Jarmalka ayaa dhawaan shaacisay liis ka kooban noocyo khudradeed iyo midho ah oo ay ku jiraan curiyeyaal muhiim u ah gubista dufanka (xaydha) ku urura caloosha iyo dhinacyada.


Warbixin ay arrintan ka diyaarisay shabakadda Aljazeera ayaa muujisay in khudradahan ay door weyn ka ciyaaraan dhimista calool weynaanta iyo hagaajinta caafimaadka guud. Khudradahaas waxaa ka mid ah:


šŸ. š€šŸššš¤ššššššØ (š€šÆšØšœššššØ)

Khubarada cuntada iyo nafaqada ayaa tilmaamay in afakaaduhu yahay mid ka mid ah ilaha ugu qaniisan ee laga helo nafaqooyinka gubaya dufanka caloosha.

Afakaaduhu waxa uu hodan ku yahay dufan caafimaad leh iyo antioxidants caawiya in la yareeyo kolestaroolka xun (LDL), isla markaana ka hortaga infekshanka iyo nabarada gudaha jirka.


šŸ. š‘š®š¦š¦ššššš§ (ššØš¦šžš š«ššš§ššš­šž)

Rummaanka waxa uu ka kooban yahay maaddooyin lid ku ah 'oxidants'-ka, kuwaasoo gacan ka geysta in sunta cuntada laga tirtiro jidhka.

Waxa uu sidoo kale kor u qaadaa shaqada dheefsiga cuntada, taasoo si toos ah ugu gacan siisa gubista xaydha caloosha iyo yaraynta calool weynaanta.


šŸ‘. š“š®šŸššššš± (š€š©š©š„šž)


Tufaaxu waxa uu leeyahay fiber nooca la yiraahdo Pectin, kaas oo caawiya in uu xakameeyo dufanka jirka ku urura.

Sidoo kale, tufaaxa waxa ku jira maaddooyin si fudud u milma, taasoo ka dhigaysa cunto muhiim u ah dadka doonaya in ay miisaanka dhimaan.


šŸ’. š‹š¢š¢š§ šŒšššœššššš§ (šŽš«ššš§š šž)


Liin macaantu waa isha ugu weyn ee laga helo Faytamiin C, oo door weyn ku leh yareynta miisaanka.

Faytamiin C-da waxa uu jidhka ka caawiyaa in uu si fiican u dheefsado cuntada, taasina waxa ay ka qaybqaadataa gubista dufanka.

Daraasado ayaa muujiyay in dadka jimicsiga sameeya ay dufan badan gubaan marka ay horraanta helaan xaddi fiican oo faytamiin C ah.


š—ššš²šš”šš š‚ššš„šØšØš¬š”šš šˆš²šØ š’ššššš¦šžš²š§š­šš š‚šššššŸš¢š¦šššššš¤šžšžššš


Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa aaminsan in xaydha ku ururta caloosha ay halis weyn ku tahay caafimaadka guud ee qofka.

Waxay si gaar ah kor ugu qaaddaa khatarta xanuunada sida macaanka, wadne xanuunka, iyo cilladaha habdhiska dheefsiga.


š†š®š§ššššš§ššš:


Khubarada nafaqada waxay ku taliyeen in si joogto ah loo isticmaalo midhahaan kor ku xusan, si looga hortago calool weynaan, loogana faa’iidaysto fayo-qabka guud ee jirka. Isku darka cuntooyinka caafimaadka leh iyo jimicsi joogto ah ayaa ah furaha guusha ee dufan la’aan iyo nolol caafimaad leh.


W/Q: Kamaal Marjaan

@somali food 

@food somali

Tags

Post a Comment

0 Comments
Post a Comment (0)

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

Websedkeena waxuu isticmaalss cookies si ay u wanaajiso khibradaada. Bal eeg
Ok, Go it!
To Top