Laba caruur ah oo Sucuudiyaan ah oo ka bogsaday cudurka autism♦️
♦️👈 Haweeney Sucuudiyan ah ayaa ku guuleysatay daawaynta labadeeda wiil ee uu hayay cudurka autism, kadib markii ay siiyeen cunto gaar ah oo ku salaysan bocorka (yicibta), looska iyo timirta.
♦️👈 Labada wiil ayaa gebi ahaanba ka raystay cudurka muddo 14 bilood gudahood, kadib markii hooyadood ay raacday hab daaweyn ah oo ay heshay takhtarad Suuriyaan ah oo lagu magacaabo Dr. Haifa AlKayali, taasoo ku talisay in la joojiyo qamadiga iyo caanaha iyo wax kasta oo laga sameeyo, sida ay sheegtay wargeyska “Al-Watan” ee Sucuudiga.
♦️👈 Dr. Kayali ayaa wareysi ay bixisay ku kala saartay autism inuu yahay cudur, naafo, ama khalkhal. Waxay sheegtay in labada xaaladood ee hore (cudur iyo naafo) ilmaha uu ku dhaco inta uu uurka ku jiro, halka khalkhalka uu yimaado marka uu ilmuhu dhasho kadib.
♦️👈 Habka ay takhtarku bixisay wuxuu ku salaysan yahay in laga fogaado cuntooyinka laga sameeyo qamadiga iyo caanaha, sababtoo ah wax la yiraahdo peptide oo jirta dadka qaba autism, waxaa laga helaa si aad ah qamadiga iyo caanaha.
♦️👈 Hooyada ayaa tiri:
“Wiilkayga weyn wuxuu jiray sagaal sano anigoo raadinaya daawo, kadibna waxaan dhalay wiil kale oo isna uu cudurku ku dhacay. Markan dhakhaatiirtu waxay sheegeen in xaaladdiisu aad u daran tahay firfircooni xad dhaaf ah, xanaaq iyo hurdo la’aan.”
♦️👈 Bilowgii daaweyntu wuxuu ahaa nidaam cunto, iyadoo ay ka saartay cuntada caanaha, qamadiga iyo wax kasta oo laga sameeyo, waxayna raacday nidaam ka kooban:
bocor, loos, iyo timir sida ay kula talisay Dr. Kayali.
⸻
♦️♦️ Waa kan habka cunto-daaweynta ♦️♦️
♦️👈 Hooyadu waxay tiri:
Habkani wuxuu ku salaysan yahay in bocorka la miirayo, kadibna lagu daro loos iyo timir iyo midho kale. Kadibna la isku qaso (blender) ilaa uu noqdo sida casiir, hodan ku ah fitamiinada.
Takhtarku waxay i fartay inaan raaco habkan 10 maalmood kadibna aan la wadaago natiijada.
♦️👈 Kadib bil gudaheed, waxaan arkay inuu yaraaday xanaaqii, uu kordhay feejignaanta iyo fahamka, wuxuuna bilaabay inuu qoro, akhriyo, iyo inuu amarka qaato.
♦️👈 Kadib 11 bilood oo daaweyn ah, wiilkaygii weyn wuxuu noqday mid feejigan, akhriya oo qora, bulsho wanaagsan, tukada, jecel masaajidka, deggen, wuxuuna bilaabay inuu hadlo si caadi ah.
Wiilka yaraa isna wuxuu noqday mid deggen, feejigan, in kastoo hadalkiisu weli yar yahay.
👈 Fadlan faafiya, waxaa laga yaabaa inay faa’iido u noqoto qof uu cudurkan hayo, Ilaahay ha daweeyo bukaannada oo dhan.
Ha ka bakhaylina inaad gudbiso fariintan qof baa laga yaabaa inuu ku bogsado idanka Alle.
♥️ Ha illoobin salaanta iyo ducada Nebiga (SCW) ♥️
