Falasafada Waxbarsho ee Bawlo Fareere; Waxbarashadu Waa Waddo Xorow
Falasafada Waxbaridda ee Bawlo Fareere waxa lagu asteeyaa mid sees u ah in aqoonta laga dhigto waddo awood iyo xornimo lagu hanto. Fareere, waxa uu awoodda saaraa wada haasawga, feker-naqdineedka, iyo barashada iskaashiga ku asdaysan, taasi oo abuuraysa deegaan waxbarasho oo dhiirrigeliya isbedelka shakhsiga ah iyo ka bulsheedaba.
?Waa kuma Bawlo Fareere
Fareere waxa uu ku dhashay dalka Baraasil magaalada “Recife” gugii 1921. Waxa uu ahaa bare iyo faylasuus afkaartiisu kacdoon ka dhalisay majaalka waxbarshada. Waxa uu hanaqaaday Xilligii Mussalfka Weyni dhacay, taasina waxay saamayn ku yeelatay aragtida uu dulmiga bulshada ka dhex dhaca iyo faqriga ka haystay. Hamuuntiisa iyo xiisihiisa waxbarasho waxa uu ku tallaalnaa suura galnimada isbedelka qofeed iyo ka bulsheed ee waxbarahadu keeni karto.
Fikradda Waxbarshada Foostada/ Bangiga ah
Falsafadda Fareere tiirarka ugu muhiimsan waxa ka mid ah “Waxbarshada Bangiga ah”, oo ardayda uu ku metalayo koontiinarro iyo foostooyin madhan oo macallimiintu xog ka daf siiyaan. Fareere, hannaankan waa uu daadafaynayaa oo naqdinyaa, maxaayeelay, waxa uu hannaankani meesha ka saarayaa fekerka, nidaamyada aan caddaaliga ahayna waa uu dhoobasalaxayaa. Taa baddalkeeda se, Fareere waxa uu ku baaqay “Waxbarshada ku dhisan soo bandhiga mushkiladaha iyo dhibaatooyinka.” Iyada oo ardayda lagu dhiirrigelinayo fekerka falkinta wata, iyo in ay la falgalaan xogta, iyada oo wadahadal iyo xiwaar la adeegsanayo.
Waxbarshada Ku Dhisan Soo Bandhiga Mushkiladaha
Jidkan, halkii ardayda xifdin iyo meerin loo samayn lahaa, waxa lagu dhiirigelinayaa in ay gundhaadh iyo ufiirsasho sameeyaan. Jaadkan aqooneed marka la joogana, wada sheekaysigu waa qayb laxaad leh. Macallinka iyo ardayga ayaa si wada jir ah wax u baranaya aqoontana isweydaarsanaya. Taasina waxa ay abuuraysaa deegaan waxbarsho oo maashaynaya dhaamman ardayda, iyada oo dhammaan afkaartooda la ixyiraamayo, laguna qalqaalinayo in ay isdhexgal sameeyaan .
Kaalinta wada sheekaysigu waxbarshada ka qaato
Falsafadda Fareere wadasheekaysiga iyo haasaawuhu kaliya ma aha waddo aqoon la isugu gudbiyo e, waa aalad lagu kiciyo wacyiga falkinta leh, iyo fahanka xidhiidhada bulsheed iyo kuwa siyaasadeedba. Wadahadalku waxa uu dhiirrigeliyaa isbedelka bulsheed, iyada oo loo dhex marato xoojinta wacyiga, iyo garshada naqdinta ku dhisan ee ardayda.
Waxbarashadu waa Dariiq Xornimo
Waxa uu u arkayay Fareere in ay lama huraan tahay in waxbarshadu noqoto aalad qofka iyo bulshooyinkaba ka xoraysa dulmiga iyo muquuninta. Waxa uu ardayda ku dardar gelinyaa Fareere fekerka naqdinta wata, iyo u dhidididda sidii waaqaca bulshadu isu beddeli lahaa, taasi oo keenaysa bulsho cadaalad iyo insaaniyadba ceegaagto.
Xidhiidhka macallinka iyo ardayga ka dhexeeya
Fareere waxa uu diiday xidhiidhka la dhaxlay ee macallinka ka dhigayaga ku awoodda iyo aqoonta keligii leh. Taa baddalkeedana, waxa uu yaboohiyay oo ku baaqay xidhiidh iskaalmaysi ku dhisan, oo macallimiinta iyo ardaydu wax wada baranayaan, kana wada qayb qaadanayaan unkidda aqoonta. Cilaaqada habka ah waxa lagu tiriyaa in ay aasaas u tahay Waxbarshada Wax Xoraysa, waxaana ay keenaysaa tacliintaasi sinnaan iyo wadaxaajood.
Tusaalayaal dhaqan-gal ah oo ku saabsan waxbarshada ku unkan soo bandhiga mushkiladaha:
Waxa suuragal ah in fasallada waxbarshada ee Fareere lagu lagu dhaqan geliyo falasafada iyada oo la adeegsanayo tusaalayaan dhaqan-gal ah sida:
1. Halkii weydiimo xaqiiqooyin ku dhisan la weydiin lahaa, waxa ardayda lagu qalqaalinayaa in ay keenaan weydiimo furan oo fekerk naqdineedka carinaya.
2. Arday waa in ay kooxkoox u shaqeeyaan si ay uga doodaan una xaliyaan mushkiladaha si guruub ah.
3. Ardayda, macallinku waxa uu ku dhiirrigelinayaa in ay la falgalaan dhibaatooyinka caalamka dhabta ah ka jira, oo iyana xoojinaysa xalinta mushkiladaha iyo fekerka naqdineed.
Si kooban, falsafadda waxbarsho ee Bawlo Fareere waa mid horumarsan, waxbarashaduna u aragta in ay tahay waddada xoraynta iyo cadaaladda bulsheed. Wadasheekaysi, iskaashi, feker naqdin ku aslan iyada oo la adeegsanayo, waxa loo beddeli karaa fasallada waxbarshada golayaal aqooneed oo kaaliya isbedelka qof illaa qaran.
W/Q: Jamiil Saalim
W/T: Wahiib Cali