Wardi Quraan Sidee Loo Samaystaa?

Somalinav
0


 Wardi Quraan Sidee Loo Samaystaa?


(ads1)

Fal kaste oo la sameeyaa ujeeddo ka danbaysa oo la rabo in la gaadho ayuu leeyahay, haddii ujeeddadaa laga gaadho, falkaasi wuu guulaystay, haddiise la gaadhi waayo khalad dhacay ayaa jira. Sidaa si la mida, cibaadooyinka Diinteennu ina fartay ujeeddooyin iyo hadafyo qofka Muslinka ah ay gaadhsiinayaan ayaa jira. Haddaba, wardiga- oo ah camal wanaagsan oo si joogta ah loo qabto, kaasi oo shareecadu oggoshahay- waxa uu ka mid yahay waxyaabaha la isku dhaafay ee Alle SW darajooyinka ku bixiyo, qofkana kor ugu qaado oo ku karaameeyo. 


Wardigu ma aha camal bilaa ujeeddo ah, sidaa awgeed waa inuu midha dhalo, oo ujeeddedii laga lahaa la helo. Haddii kale waa jugjug halkaaga joog.


Ugu horreyn, hadafka ugu weyn ee wardiga Quraanka Kariimka ah iyo acmaasha kalaba waa in qofku Alle SW u dhawaado, oo naxariistiisa helo, sidaana Janno ku galo. Wardigu waa in uu yoolkaa xaqiijiyo, ma aha in lagu qiimeeyo inta bog, inta tasbiix iyo inta soon ee qofku soomay, ee waa in lagu qiimeeyo intee in le’eg ayuu hadafkii weynaa ka gooyay oo addoonka gaadhsiiyay.


Intaas marka qofka Muslinka ahi meel saaro, waxa lama huraan ah in uu ogaado, in Ikhlaaska iyo camal oo Alle SW dartii loo qabtaa ay tahay tallaabada koowaad ee cibaado kasta, haddii ay qalloocatana aanay dhib mooyee cibaadadu dheef yeelanayn. Muslinoow, wardigaaga Alle SW dartii ka dhig, adiga oo uga jeeda Raalligalinta Eebbe, u dhawaanshihiisa, helidda naxariistiisa, qalbi qoyanaan, barakada Eebbe, iyo dhammaan niyooyinka wanaagsan ee cibaadada loola qasdiyo.


Hadda niyaddaadii waad saxday, mar walbana hawshaasi way kuu tallaa, diyaar ayaad tahay. Waxaad doonaysaa in aad wardigaagii Quraanka dejisato oo aad ku naallooto nimcada Quraanka. Mar labaad waxaan ku leeyahay ujeeddadu ma aha bogag iyo saacado badan. Ma aha khatmooyin badan, mana aha dhammayn ee waa intee ayuu Quraanku qalbigaaga iyo iimaankaaga kobcinayaa. Ujeeddadu waa taa. Hal bog oo iimaan kordhin, khushuuc iyo qalbi soo jeeda lagu akhriyay ayaa ka nacfi badan karaa tobanaan jus oo qalbi maqan iyo niyad aan sax ahayn lagu akhriyay. Ku baraarug yoolka. 


Tallaabooyinka qaad si aad Wardi kaalin kala udejjisato:


1. Quraanka xidhiidhkiisu ha kuu noqdo mid aad noloshaada ku toosinayso, yaanu kuu noqon mid aad marmar akhriyayso kadib na iska deynayso. Hadafku ha fogaado, sidii Suubanaha SCW. 


2. Wakhti, bogaga iyo goob gaar ah bilawga usamee. Tusaale ahaan, hal bog, laba daqiiqo iyo salaadda Subax, Duhur, Maqrib iwm. Wakhtigaasi waa in uu lamataabtaan noqdaa, oo shantaa mirir ama halkaa bogi waa in aanad gorgortan gelin karin, sida Salaada oo kalana waa in aad u qallaysaa haddii uu ku dhaafo. Bogagga iyo saacaddaba waad kordhisan kartaa, oo xisbi ama toban bog ayaad ka dhigi kartaa, balse joogtaynta ayaa muhuim ah, waayo, xadiis saxiix ah waxa uu Nabigu SCW inoogu sheegay in Alle SW camallada ugu jecel yahay kuwooda joogtada ah haba yaaraadaan e:

“أَحَبُّ الأعمالِ إلى اللهِ أدْومُها و إن قَلَّ." 


3. Marka aad Quraanka akhrinayso, waa in aad soo jeeddaa oo aanad maqnayn, waa in aad ogaataa in ujeeddooyinka akhrinta ay ka mid tahay in aad ku khushuucdo oo ku oydo, si taa loo helo, waa in aad meel deggan ku akhridaa oo aad ugu fiirsataa adiga oon duddubinayn, hadafkaaguna yahay in aad fahanto. Haddii aanad af Carbeedka aqoon, tafsiirka waad kaashan kartaa, aadna waa uu kuu anfici doonaa.


4. Waa in uu jiraa wakhti aad khatmo samayso, oo kuu go’an, taasi waxa ay kuu noqonaysaa dhiirrigalin iyo in aad yool yeelato, hase ahaatee, akhriska laba nooc ayaad ka dhigi kartaa: mid aad Quraan badan ina ad akhrido uga dan leedahay, iyo mid aad ufiirfiirfiirsi uga jeeddo oo kooban, bilawga se hal mid ka dhigo, oo labadii, saddexdii ama bishii hal mar khattin. 


5. Mar kaste ujeeddadu waa in Quraanka aad akhridaa uu Iimaan iyo Alle kacabsi kuu siyaadiyo, haddii aanad ujeeddadaa hayn dib isugu noqo.


6. Aadaabta akhrinta ilaali, oo soo cadayo, maryo fiican ama nadiif ah xidho, hadalka jooji, qiblada ujeedso, qalbigaana soo xaadiri.


Ugu danbayn, maalmaha qadhaadh Quraan akhrintu waa dawo murugada la iskaga maydho. Waa il macaan oo qalibiga doojisa, waan naxariis Eebbe, oo qofkii ka qadaa uu dhabtii qaday.


Nebigu SCW waxa ayuu yidhi:

"عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ((من قرأ حرفا من كتاب الله فله به حسنة والحسنة بعشر أمثالها، لا أقول ألم حرف ولكن ألف حرف، ولام حرف، وميم حرف)) أخرجه الترمذي بهذا المتن: حديث/ 2190، 5/ 175، وقال حديث حسن صحيح غريب، والبيهقي في شعب الإيمان: حديث/ 1984، 2/ 342. [صحيح].


Cabdillaahi binu Mascuud RC waxa uu yidhi, Rasuulkii Alle SCW ayaa yidhi: “ Qofka akhriya xaraf ka mid ah Kitaabka Alle waxa uu leeyahay wanaag, wannagguuna waa toban laab, odhan maayo, Alif-Laam-Miim waa hal xaraf e, alifkuna waa xaraf, laamkuna waa xaraf, miimkuna waa xaraf.” Ujeedadu waxa weeyaan, waa saddex xaraf oo mid waliba toban ajar yahay. Waa nimcad qaali ah. 


Waxa kale oo uu yidhi Xabiibku SCW:


عن أنس بن مالك رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ((إن لله أهلين من الناس، قالوا يا رسول الله: من هم، قال: هم أهل القرآن أهل الله وخاصته)) أخرجه ابن ماجة: حديث/ 215، 1/ 78، وأحمد، حديث/ 13566، 2/ 242، والدرامي: حديث/ 3326، 2/ 525، والطيالسي في مسنده: حديث/ 2124، 1/ 283، ومن طريقه البيهقي في شعب الإيمان: حديث/ 2688، 2/ 551. [صحيح ].


Anas binu Maalik RC waxa uu yidhi: Rasuulka Alle SCW ayaa yidhi: “ Alle dadka waxa uu dadka ku dhex leeyahay qolo ugaar ah. Waxa la yidhi wa ayo Rasuulkii Alloow, waxa uu yidhi: waa dadka Quraanka ehelka u ah -ee yaqaan ee ku dhaqma ee xifdiya- waa ehelkii Allee iyo kuwii gaarka u ahaa.” 


Gabagabdii, haddii qalbigaagu ka soo istaago akhrinta Quraanka, waxa aad u baahan tahay in aad jilciso. Si qalbigaagu u jilciyana waa in aad la timaadid: dikri badan, tasbiix, weyso badan, salaad iyo sunnayaal ciiddaa ka badan, iyo goobaha cibaadada oo aad ku noqnoqotid, sadaq, soon iwm, ugu danbayn, qalbigagu waa uu jilci doonaa oo cibaadada dhandhansan soonaa.

Tags

Post a Comment

0 Comments
Post a Comment (0)

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

Our website uses cookies to enhance your experience. Check Out
Ok, Go it!
To Top