Quruxda nolosha waxay ku jirtaa u kuurgalida iyo barashada qaababka kala duwan ee nafleyda kale ee dunida ku nool u dabaraan noloshooda gaarka ah
Sidoo kale foolxumada nolosha waxay muuqataa marka laga waji dadbado ama la iska indho-tiro qaabka nolosha dabiiciga ah ku socoto dabadeedna la isku maaweeliyo sheeko baraley aan bar iyo raad midna ku lahayn hanaan socodka dhabta ah ee nolosha. Haddaba qoraalkan kooban wuxuu ku saabsanyahay falsafadda Kaneecada ay ku maareyso nolosheeda gaarka ah. Ogaanshaha falsafadda Kaneecada waxay dan guud ugu jirtaa dadka oo Kaneecada la wadaaga orodka iyo harjadka aan dhamaadka lahayn ee nolosha loogu jiro. Sidoo kale, barashada falsafadda Kaneecada waxay si gaar ah uga faa’idi kara dadka Soomaaliyeed oo waqtigan la joogo danbe si dirqi ah ugu nool geeska Afrika iyo dacallada aduunka .
Maxay ka yirahdeen Aqoonyahanka noolebaaraha ahi "biologists"
waxay ogaadeen xaqiiqo yaab leh oo ku saabsan qaab- taranka guud ee Kaneecada. Waxay cilmi baaris ku ogaadeen in Kaneecada ku baraarugsantahay run aysan ka dhuuman karin si kasta oo ay u cibaadaysato ama u calaacasho. Runtan waa mid ku aadan xiriirka ka dhaxeeya Kaneecada iyo deegaanka dabiiciga ah “ Environment.” Kaneecadu waxay garatay in dhasha iyo ubadka kaneecada lagu xukumay dhimasho deg deg ah mar ala marka ay ku dhex dhashaan deegaanka dabiici ah. Nasiib darro, markay qarxaan ukumaha Kaneecada, waxa isla goobtii ku qurbaxa oo ku saqiira caruurtii Kaneecada ee mudada dhow ama dheer laga war dhowrayay. Arintan waxay horseeday in faylasuufyada Kaneecada hal-abuuraan falsafad lagu badbaadin karo sinjiga Kaneeca iyo dhasheeda ay u heeshiiyeen maqaadiirta iyo odaygii malakulmowt ahaa.
Falsafadda Kaneecada waa maxay
Falsafadda Kaneecada waxay ku baaqaysaa in Kaneeco walba kun ukumood ku dhex daadiso deegaanka dabiiciga ah. Sirta ka danbeysa go’aankan fasafadeysan ma ahan mid la iska malawaalay, ee waa falsafad muddo badan laga baaraan dagay ka dib markii kaneecada ku baraarugtay in kunkii ukumood oo kaneeco ah mid ka mid ah si dirqi ah ku badbaadi doono, halka sagaal boqol, sagaashan iyo sagaalka ukumood oo kale ay ku dhex saqiiri doonaan deegaanka dabiiciga ah. Waa go’aan murugo iyo shaqo badan laga mudan doono, balse waddo kale oo Kaneecada u bannaan ma jirin waa haddii ay doonayso in faraceeda waaro, waayo nolosha oo dhan
waxay ka bilaabataa kuna dhamaataa go’aan uu rabbi gaaray oo ah waarimayside war hakaa haro!
Dadku waa noole sida Kaneecada oo kale dhibaatooyin badan kala kulma qaabkii la isku qabadsiin lahaa itaaldarida ka muuqata iyo dhibaatooyinka ama dheefta ku lamaansan deegaanka dabiiciga ah “ environment.” Si la mid ah sida noolaha kale ugu dadaalayaan in halganka nolosha aan laga harin, dadka waxaa ku waajibay dadaal dheeraad ah oo lagu baranayo deegaanka dabiiciga ah si looga faa’idaysto wixii dheef noqon kara , loogana gaashaanto wixii dhibaatooyin ah oo halis ku noqon kara hab socodka nolosha guud ee dadka. Nasiib wanaag, bani’aadamka badankiis wuxuu ku baraarugsan yahay awood yarida ka muuqata abuur ahaan marka la barbadhigo xooga ka muuqda habar dugaaga ku wehliya deegaanka dabiiciga ah. Baraarugan ka hor,
nolosha dadku waxay ahayd mid barako badan aan lahayn.
waayo sida taariikhda ku xusan dadku waxay halis u ahaayen in quraac ama qado u noqdaan habar dugaag haybad gaar ah ku dhex leh deegaanka dabiiciga ah. Sida Kaneecada oo kale, deegaanka dabiici ah ah dadku waxay ka muteen dhibaatooyin badan oo malaayiin sano isbaaro u dhigtay in bani’aadamka gaaro nolol baraare iyo barwaaqo leh.
Qax iyo qaxar badan ka dib, quruumihii hore waxay hoosta ka xariiqeen go’aan ah in deegaanka dabiiciga ah “
natural environment” laga dhex baxo si loo sameysto deegaan aan dabiici ahayn oo ah dhaqan “culture” kaas oo bani’aadamka u saamaxaya nolol ku salaysan deganaan “stability “ si loo gaaro danta nololeed ee dadka oo ah badbaadinta dhashooda iyo socodsiinta sinjiga dadka si aan looga go’in silsilida nolosha ee isku xirta naflayda oo idil. Go’aankan kama duwana go’aanka falsafadaysan ee Kaneecada gaartay sida kor ku xusan.
Deegaanka aan dabiiciga ahayn “ dhaqan”
ee qolo kasta si gaar ah u samaysatay waxaa kor looga xeendaabay ilbaxnimo guud oo aadanaha oo dhan ka dugsado dhibaatooyinka kaga imaankara deegaanka dabiiciga ah “ environment” Qoraal sidan u kooban loogama bogan karo qeexitaanka dhaqan “ culture” oo ka dhigan tiir dhexaadka ay ku taagantahay dhismaha guud ee ilbaxnimada dadka.
Haddii si guud la iskugu dayo tilmaanta waxa dhaqan yahay waxaa lagu soo koobi karaa :
Aragtiyooyinka nolosha lagu maareeyo “ ideas” waxyaabaha sida gaarka ah loo qiimeeyo “ values”, caadooyinka soo jireenka ah “ norms”,hadalka dadku ku xariiraan si ay u wadaagaan aragtida nolosha iyo waxyaabaha qiimaha leh “Language”, qaababka loogu dhawaado awoodaha dhuumaalaysta “ spirituality” Hanaanka la isku qabadsiiyo awoodaha dhuumaalaysta iyo nolosha dabiicga ah “ religion” Qalabka loo aadeegsado furdaaminta nolosha “ technology” dhismaha magaalooyinka lagu noolyahay” Cities” Hay’adaha bulsho “ Social institutions” ee qofka u diyaariya ama ka caawiya nolosha sida qoyska, goobaha waxbarashada, dawladda iyo waliba goobaha lagu cibaadaysto iyo xasuusashada iyo keydinta wixii dhacay “ History”.
Mar haddii dhaqanku ka dhiganyahay dhamaan deegaanka aan dabiici ahayn ee dadku u baahanyahay in ay kaga badbaadaan waxyeellada deegaanka dabiiciga ah, waxaa qasab ah in dadka ku baraarugaan sirta lagu dhisi karo dhaqan, dabadeedna lagu dhaqaajin karo deegaan aan dabiici ahayn oo dadku iska dhaxlaan. Sirtan kama duwana nuxur ahaan sirta ay ku baraarugeen faylasuufyada Kaneecada si sinjiga kaneecada looga badbaadiyo dabar-go iyo waliba darxumada ay kala kulmeen deegaanka dabiiciga ah. Faylasuufyada dadka waxay muddo badan ku doodayeen in kunkii aragti “ ideas” ee ka soo maaxda maanka dadka in mid ama labo maangal ka yihiin, halka inta soo hartay ka noqdaan mala-waal iyo maaweelo muujinaya ama ka maragkacaya doqonniimada iyo aragti gaabnimada dadka.
Dhaqan oo dhan waxaa waxaa saldhig u ah aragtiyooyin cusub “ new ideas” oo marwalba la curiyo. Wareer iyo welwel hor leh ayaa dadku dareemi karaan mar haddii dhaqan- (deegaanka aan dabiiciga ahayn ) ee nolosha dadka aan looga maarmin uu magan u yahay aragti cusub oo la curiyo marwalba. Dhanka kale sida ay faylasuufyadu ku doodayaan kunkii aragti mid ama labo ayaa runta iyo danta dadka u dhow! Haddaba muxuu xalku noqonayaa? Falaasifadu waxay ku taliyeen in la qaato Falsafadda kaneecada oo kale. Mar haddii kunkii aragti ee dadku maankooda ka malawaalaan mid ama labo runta nolosha iyo danta dadka u dhowyihiin, waa in qanaaco iyo iimaan la mid ah midka Kaneecada oo kale la muujiyo marka ay qurbaxaan ama saqiiraan aragtiyooyin badan oo ka dhigan dhashii dadka. {leftSidebar}