𝐌𝐔𝐂𝐉𝐈𝐒𝐀𝐃𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐁 𝐀𝐁𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐈𝐈𝐍𝐒𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀

Somalinav
0


 𝐌𝐔𝐂𝐉𝐈𝐒𝐀𝐃𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐁 𝐀𝐁𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐈𝐈𝐍𝐒𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 Basharka waxaa lagu tiriyaa ka ugu mucjisada badan dhammaan noolaha 𝘐𝘭𝘭𝘢𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘚𝘸𝘵 wuxuku mannaystay waxkasta oo uu uga baahan yahay siyuu khaliif uga noqdo guud ahaanba koonkan dhinacyada mucjisada bini’aadamka waxa lagu tilmaamaa abuurkiisa, xubnihiisa, shucuurtiisa, darenkiisa, dhaqankiisiyo kartidiisa maskaxeed qofkuna wuxu awooda inu adeegsado dhaman agabkaa intuu ku jiro halganka nolosha adduun

𝐈𝐋𝐋𝐀𝐀𝐇𝐀𝐘 (سُبْحانَه وتعالى) 𝐖𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢:- ﷽

لَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ فِي أَحْسَنِ تَقْوِيمٍ [ سورة التين الآية 4 ]

Dhab ahaantii waxa aanu u abuuray aadamaha siddii ugu qumanayd uguna qurxuxda badnayd 


Aayaddani waxay huwantay mino yaal aad utiro badanoon la garanayn bilawgiyo dhamankooda waxaanay basharka ku hagaysaa muhimada ay leedahay inayka fikiraan qaab abuurkooda sida fahamka qabybihisiyo siday xubnu ushaqeeyan iyo inloo sameeyay si qumano hagar la'aana ah 


Mucjisoyinka Alle dadka ku jira aad bay ubadan yihiin lamana tirinkaro iyagoo qaar ay muuqdan qaarna gudaha yihiin mucjisada ugu badane uu qofkastaa arki karo sida waa shanta dareeme:- araga, maqalka, taabashada, urtiyo dhadhanka. qofku hadu ufiirsado dareenkaa iyo xubnaha ka mas'uulkaa iyo faa'iidooyinka waaweynee ay ku jiraan wuxuu ogaanaya inloo abuuray qaab san 


Sidu qofku u dhisan yahay qaab-dhismeedkiisa tiradda badan ee ay ku kala duwan yihiin xagga labka iyo dhedigu iyo sidda ay iskuu soo jiitaan dhammaan arrimahaas oo dhan iyaga laftoodu waa mucjiso abuurka Alla taaso nolosheenu ku dhisantay dadkana gaadhsiisay heerkii la rabay 


Marka laga hadlayo xubnaha gudaa maskaxdu waxayka koobantay unugyo tirobadan waxayna leedahay qabo aan awoodooda la qiyaasi karin iyado si xidhiidha u shaqaysa intu qofku nolyay waxaanna jirta arin ay waajib tahay in wax laga tilmamo waana dhinaca nafsigiyo habkay nafta aadamuhu ay ula fal gasho jidhka iyo ruuxdaba hadii is dhexgalka si saxa lo maareyo si saxa lo shaqeeyo dadku wuxu gadhi kara dadnimadisa haduu si liidata u sameeyo waxa hogaaminaya rabitaankiisa, damaciisa, iyo himiladisa, isagon dejin wax xakamayna wana hubaal in uu lumay 


𝐔𝐠𝐮 𝐃𝐚𝐦𝐛𝐚𝐲𝐧𝐭𝐢𝐢 walalayaal waxaad ogaataan dhamaan qaybahaa waaweyne aadamuhu waa nimcooyinka uu 𝘐𝘭𝘭𝘢𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘚𝘸𝘵 inaga mannaystay waxayna mudanyihiin inloo guntado sidii loogu mahad naqilaha looguna caabudi lahaa ogadan inay yihin kuwo lagugu la xisaabtamayo iyadoo laguu dhamaystiray laguuna qurxiyay gidigood waxaa haboon in Alle loo hogaansano adeecno awaamiirtiisa iyo ka fogaanshaha wuxu reebay 


𝑰𝒍𝒂𝒂𝒉𝒂𝒚 𝒉𝒂𝒅𝒂𝒇 𝒌𝒂𝒔𝒕𝒂𝒚𝒏𝒖 𝒏𝒐𝒍𝒐𝒔𝒉 𝒌𝒂 𝒍𝒆𝒆𝒏𝒂𝒉𝒂𝒏𝒂𝒚 𝒉𝒂𝒚𝒏𝒐 𝒇𝒖𝒅𝒖𝒅𝒅𝒆𝒆𝒚𝒐 𝒙𝒂𝒒𝒊𝒊𝒋𝒊𝒏 𝒕𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒉𝒂𝒏𝒂 𝒊𝒏𝒏𝒂 𝒘𝒂𝒂𝒇𝒂𝒋𝒊𝒚𝒐 𝒘𝒂𝒅𝒅𝒐 𝒌𝒂𝒔𝒕𝒐 𝒊𝒏𝒂𝒈𝒖 𝒌𝒂𝒂𝒍𝒎𝒂𝒚𝒏 𝒌𝒂𝒓𝒕𝒂 𝒙𝒂𝒒𝒊𝒊𝒋𝒊𝒏𝒕𝒊𝒔𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒎𝒂𝒏𝒕𝒆𝒏 ✍𝘞𝒂𝒂 𝒘𝒂𝒍𝒂𝒂𝒍𝒌𝒊𝒊𝒏 Maxamed Kaafi 𝒐𝒐 𝒅𝒖𝒄𝒐 𝒊𝒅𝒊𝒏𝒌𝒂 𝒓𝒂𝒋𝒂𝒚𝒏𝒂𝒚𝒂 𝑨𝒍𝒍𝒆 𝒙𝒂𝒒𝒂 𝒉𝒂 𝒊𝒏𝒂 𝒘𝒂𝒂𝒇𝒂𝒋𝒊𝒚𝒐 𝒅𝒉𝒂𝒎𝒂𝒏𝒕𝒆𝒏🤲

Tags

Post a Comment

0 Comments
Post a Comment (0)

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

Websedkeena waxuu isticmaalss cookies si ay u wanaajiso khibradaada. Bal eeg
Ok, Go it!
To Top