𝐇𝐀𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐍𝐀𝐀𝐆𝐆𝐒𝐀𝐍

Somalinav
0

𝐇𝐀𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐍𝐀𝐀𝐆𝐆𝐒𝐀𝐍

Diinta islamku waxay inagu dhiirigelisay inaynu markayn hadlayno hadal wanagsan ku hadalno dadkaad la hadlaysa cida ay doonan ha hadane waayo hadalka wanaagsan raad ayuuku reebaa dadka quluubtodiyo dareenkoda iyado asxaabti Nebiguna ay dadkaku hanuunin jireen hadalkaa wanaaggsan isaga oo ka hadlaayaanna arintan

𝐑𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐀𝐥𝐥𝐞 𝐖𝐚𝐱𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢 ﷺ :-

وَالْكَلِمَةُ الطَّيِّبَةُ صَدَقَةٌ Kelmada wangsn waa sadaqo 


Qofka bini'aadamka ahi kolay ba waa kii hadlay balse haddii ba uu hadlaayo waxaa dantiisa iyo sharaftiisa adduunyo iyo aakhiraba ku jirta inuu hadal wanaagsan ku hadlu laqwiga iska yareyo 


𝐑𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐀𝐥𝐥𝐞 𝐒𝐜𝐰 𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢:- isaga oo isku xidhaaaya iimaanka ama rumeynta Alle iyo malinta yomul qiyame iyo hadalka wanaagsan:

وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ فَلْيَقُلْ خَيْرًا أَوْ لِيَصْمُتْ

Qofkii rumeeyay Allaah iyo maalinta y. qiyaame kheyriyo wanag haku hadlo ama ha iska amuso 


Waxa laga yaaba inuu addoonku kuhadlo hadal isago dambi u arkaynu dartii ugu dhaco naarta kuna fog fogaanta u dhaxaysa bari iyo galbeed sida hadal yarod qabiilku cayday hadii maalinta qiyaame ukugu sababo in intaasoo milyan ama dadka badan ay xaqaadka gashay usoo saftaan maxa kaga hadhaya camalki yaryeed samaysay naftada unax hadad intad afka furatid qabiilada dunida joogo dhanaad caydo adna waxba kugu soo kordhin mayso iyagana wax udhimi maysid 

𝐑𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐀𝐥𝐥𝐞 𝐒𝐜𝐰 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐖𝐚𝐱𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢:-

الْمُسْلِمُ مَنْ سَلِمَ الْمُسْلِمُونَ مِنْ لِسَانِهِ وَيَدِهِ

Muslimku waa kan ay muslimiinntu ka nabadgalaan carrabkiisa iyo gacantiisa 


Hal kelamad bay wax walba isubedeli karan qof kuna uu ku noqonkara gaal ama ku naar mutaa sido kale hal eray baadku noqon karta mu'mina sida ninkii raacay nebiga scw oo dagal ku socd una sheegay inuu qaatay diinta Islamka laguna dilay dagaalkii muu soomin manu tukan jirin se nabigu scw wuxuu sheegay inuu jannada galay 


Ujeedadu waxay tahay inaanu qofku dhayalsan waxkasto wanaagsan ficiliyo qawlba xita haday wax yartahay waana sababta laynogu booriyay

𝐑𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐀𝐥𝐥𝐞 𝐖𝐚𝐱𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢 ﷺ :- 

لا تحقرن من المعروف شيئاً، ولو أن تلقى أخاك بوجه طلق

Ha quudhsanin camalkakiisa wanaagsan xataa hadday tahayuun salaan walaalkaa oo faraxsan 


Sidoo kale waa in aanu qofku marna dhayalsan caasinimada iyo wax cadhada Alle usoo jiidaya ha eegin yaraanta caasinimada laakiin waxaad eegtaa weynaanta iyo awooda ka aad caasiday ha is odhan kan waa dambi yar ileen danbiyada yar yar haddii la is ku daro way ku gubi karayan 


Natiijadu waxaytahay in ninka dhinta isaga oon wax wanaaga ku hadlayn xalkisu wanagsanayn halka ninka dhinta isago hadal san ku hadlaaya xaalkisa aakhiro iyo ka adduunba usamandono waayo hadalka wanaagsan wuxu gundhig u yay dhaqanka wanagsan ruuxi lihina magalo naarta tasna waana midka mida sifooyinka samafalka

𝐈𝐋𝐋𝐀𝐀𝐇𝐀𝐘 (سُبْحانَه وتعالى) 𝐖𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢:- ﷽

وَيَدْرَعُونَ بِالْحَسَنَةِ السَّيِّئَةَ أُولَئِكَ لَهُمْ عُقْبَى الدَّارِ [ الرعد 22]

Xumaantana ku difaaco wanaag ku waa sinna waxaa u sugnaaday cidhib wanaagsan aakhiro 


𝐔𝐠𝐮𝐃𝐚𝐦𝐛𝐚𝐲𝐧𝐭𝐢 wllayaal aynu uhogaansano Alle waxaa soo axaadiis iyo aayadaa waxala inoogu soo celcelinaya inaan garano dantena oo oynu umeel dayno qawlka afkena kaso baxaaya una hogaansano awaamiirtuu Islaamku ina faraayo 



Tags

Post a Comment

0 Comments
Post a Comment (0)

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

Websedkeena waxuu isticmaalss cookies si ay u wanaajiso khibradaada. Bal eeg
Ok, Go it!
To Top